Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta guddoomiyay shir amni oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka amniga gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxa ka qayb-galay ra’iisul wasaaraha, wasiirada gaashaandhigga iyo amniga gudaha, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay dardar-galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho, oo bilihii dambe isbeddel dhanka amniga uu ka hana-qaaday.

Kulanka oo markii ugu horreysay looga yeeray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha amniga ayaa waxay kulankaan kusoo bandhigeen qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda shirka ka qayb-gashay ayaa ku ballamay in lasii laba jibaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda oo haatan ah mid deggan.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir laga dareemayay xasilooni amni, ayada oo meesha ay ka baxeen inta badan falalkii amni darro ee argagixisada joogta uga fulin jirtay caasimadda, taasi oo ku timid qorshaha amni ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dalka ka wadda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.