Xogta shirka uu iclaamiyay Xasan iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay iclaamiyay qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran, xilli uu waayahan ka cago jiidayay kadib markii qabashadiisa dalbadeen madaxda Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Sababta ay u dalbadeen shirkan waa gadood ay madaxda maamullada ka qabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay isbeddeladii ugu dambeysay ee arrimaha dastuurka.

Afar qodob oo aanay waxba ka ogeyn madaxda afarta maamul goboleed ee waayahan la socday Villa Somalia ayuu madaxweynaha go’aan keligiis ah ku beddelay saacadihii ugu dambeeyay inta aan baarlamaanka la marin afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay hanjabaadaha Villa Somalia kasoo gaaraya dhanka madaxda maamullada, kuwaasi oo la xaqiijiyay inay ku goodiyeen in haddii madaxweynaha kasii cago jiido iclaaminta shirka Golaha Wadatashiga Qaran inay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeynayaan sida ay uga soo horjeedan wax ka beddelkii madaxweynaha ku dhaqaaqay ee arrimaha dastuurka.

Balse Villa Somalia oo deg deg uga hortegaysa war-murtiyeedka ay damacsanaayeen madaxda maamullada ayaa xalay ku dhawaaqday shir dhacaya 20 illaa 21 bishaan, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa diirada lagu saari doona arrimaha dastuurka, maadaama ay madaxda maamullada qodobkaas gadood badan ka qabaan.

Madaxtooyada ayaa la filayaa inay ku darsato arrinta la-dagaalanka argagixisada, halka ay madaxda maamullada diyaarinayaan inay miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala heshiiyo halka siyaasad ahaan looga dhaqaaqayo meesha maanta la taagan yahay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa muddo xileedkii ka dhamaaday waxayna hadda ku shaqeynayaan muddo kororsigii la siiyay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay. Marka laga reebo Cali Guudlaawe oo isaga muddo kororsi la siinin iyo Saciid Deni oo dib loo doortay.

Iyada oo ay muuqato in aan doorasho qof iyo cod ah laga qaban karin afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland bilaha soo aadan, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiya inuu madaxda maamullada kala heshiiyo jihada suurta-galka ah, sidoo kalena uu ku qanciyo go’aankii uu keligiis ku beddelay afar arrimood oo ay isaga iyo madaxda maamulladani horey uga heshiiyeen.

Shirka soo socda waa mid aad xasaasi u ah. Afarta arrimood ee la beddelay, iyada oo aan wax talo ah laga siinin maamulladii waayahan la safnaa madaxweyne Xasan Sheekh waxay kala yihiin;

1. Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen

Waxaa la isku ogaa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dastuurka ku qoray ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo, arrintaasi cidna kalama tashan.

2. Guddiga doorashada

Guddiga doorashada waxaa la isku ogaa 15 qof oo ay min laba xubnood ka imaanayaan maamul goboleed walba, balse hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood waxayna dhamaantood ka imaanayaan xukuumadda federaalka ah.

3. Tirada xisbiyada

Waxaa la isku ogaa in xisbiyada laga dhigo laba xisbi, balse wuxuu keligiis go’aansaday madaxweynaha inuu ka dhigo saddex xisbi.

4. Madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal

Midda afaraadna waa in madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal oo laga tiro dastuurka inay madaxweyneyaal yihiin. Iyadana cidna talo lagama weydiin.

Afartaas arrimood ayay madaxda maamulladu gadood badan ka qabaan marka laga hadlayo dastuurka, balse waxaa uga sii muhiimsan in lagala heshiiyo hanaanka doorashooyinkooda soo aadan, taas oo ah arrin culeys badan saari doonta madaxweyne Xasan Sheekh.