Dabageed oo ka sheekeeyey sida uu uga badbaaday qaraxyadii Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyey, sida uu uga badbaaday qaraxyadii xooganaa ee saddexdii bishan ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay oo uu ku sugnaa xilliga ay ka dhacayeen weeraradaasi.

Yuusuf Dabageed oo furinta hore ee dagaalka kula hadlayey ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in xaruntii uu ka hagayey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab lagu soo weeraray saddex baabuur oo qarax ah, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux, sidoo kalena ay ku burbureen xafiisyadii iyo guryihii ay daganaayeen.

“Aniga hadda inta uu dagaalka Hiiraan ka socdo weli goobaha dagaalka ma tegin meesha aan ka maamulaayey oo geed fadhiga uga ahaay ayaa saddex baabuur oo qarax ah la’iigu keenay ayaa hal kiilo mitir wixii ku yaalla dam lagu siiyey 30 iyo dhowr qofood waa ku dhimatay oo aan dagaal aadin,” ayuu khudbadiisa yiri Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka ay dhacyeen qaraxyada kadib in uu kusoo dumay gurigii uu daganaa oo mar dambe laga soo saaray, wuxuuna sheegay in Alle badbaadiyey.

“Waxaan ku fakaday aniga waqtigeyga ayaanan gelin ee guriga aan ku jiray waa igu soo dumay asaa layga jiiday aniga ayaa awoodeyda uga bixi waayey aa gacmaha layga qaybtay kadibna layga jiiday,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu ku booriyey ciidamada huwanta iyo dadka shacabka ah inay dagaalka wada galaan, isla-markaana ay meel uga soo jeestaan kooxda Al-Shabaab.

“War xabaddaan in la aado iyo in laga joogo Malakamoodkaagu waqti ayuu leeyahay Allaana og meesha aad joogto ayuuna kuugu imaanayaa,” ayuu markale yiri Dabageed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan weli dagaal uu ka socdo gobolka Hiiraan oo ay isku hayaan ciidamada huwanta iyo sidoo kale xoogaga kooxda Al-Shabaab.