DF oo baahisay muuqaalada qaraxyadii Bakaaraha iyo xeeladii loo isticmaalay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa baahiyay muqaal kooban oo ku saabsan qaraxyadii is xig xigay ee lixdii Febraayo ee sanakan ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ayaa laga helay muuqaalada sida ay u dhaceen qaraxyadaas iyo raggii fuliyay oo toos looga arki karo muqaalada la baahiyay.

Warbixin hordhac ah oo ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadan boorsooyin looga keenay Ceelasha Biyaha, kadibna lagu beesaday Bakaaraha.

Waxaa muuqaalada ay baahiyeen laamaha amniga laga arki karaa rag wada boorsooyin oo iska dhigaya inay wax iibsanayaan oo qaraxyada dhigaya goobaha la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale waxaa Kaamirooyinka ay soo qabtay nin taagan banaanka, isla markaana toos hormuud ugu qarxinayo miino meel ay joogeen dad badan oo shacab ah.

Goobaha la qarxiyay ee boorsooyinka la dhigay waxaa kamid ah xarumaha Bedar, Kaamil, Sanguuni, Waayo Arag iyo dhismo qabyo ah oo ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah raggii ka dambeeyay qaraxyadan, isla markaana la horgeyn doono maxkamad si deg-deg ah.

Dhankiisa Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo lagu wareystay warbixintan ayaa ugu baaqay ganacsatada in aysan lacag siin Al-Shabaab, maadaama ay dhibaato u gaysanayaan ganacsigooda iyo dadka Soomaaliyeed.

“Dilka dadka Soomaaliyeed haddii aan ka xanuunsaneyso ee dukaamada iibsanayay ha bixin lacagta lagu dili lahaa oo qayb haka noqon” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintan ay tahay qiyaano, isla markaana la’iskula xisaabtami doono.

Qof kuu soo galay oo dukaanka yimid oo inuu wax gadanayo iska dhigay waa qof aad kuu qiyaanaayo weeye oo aan ilaahey ka cabsaneynin” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Si kastaba, weeraradan ayaa cabsi ku beeray ganacsatada suuqa oo horay dowladda Soomaaliya ugu amartay inay xarumahooda ugu xiraan Kaamirooyinka CCTV.