Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa sheegay inay helayaan xog sirdoon oo sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay xabsiga kala baxaan xubnaha ka xiran ee la xukumay, kuwaas oo qaarkood dil toogasho ah in lagu fuliyo sugaya.
“Maalin walba waxaan helnaa xogo sheegaya inay Xabsiga Dhexe u soo weerarayaan sidii xabsigii Boosaaso, laakiin anaguna waxaan u diyaar garownay in wixii nasoo weerara aan layno,” ayuu yiri Taliye Shub.
Taliyaha ayaa dhamaan ciidanka Asluubta faray inay feejignaadaan, “Qof kasta oo naga mid ah midigtiisa iyo bidixdiisa waxa socda ha fiiriyo, qof kasta hubiya, wax kasta iska baara, mar kasta diyaar ahaada,” ayuu yiri.
Taliye Shub ayaa sidoo kale ciidanka faray inay joojiyaan mashquulka, “Qof taleefan salaaxaaya waa lasoo gaadi karaa, kor hala fiiriya oo ku dhaqma anshaxa iyo tababarka ciidanka, garaado lee haraadin ee amnigaaga iyo kan bulshadaba ka taxadar,” ayuu Taliyuhu hadalkiisa ku sii daray.
Munaasabadda 54 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayuu khudbadaan ka jeediyey Taliye Mahad Cabiraxmaan Aadan oo sidoo kale ka hadlay ilaalinta hubka dowladda.
Taliyaha ayaa ka digay in qoryaha dowladda la iibsado, isagoo ku goodiyey in la dili doono qofkii qori ama bistoolad lagu aaminay iibsada.
“Intaan noolahay ee naftu igu jirto waa ballan Askarigii ama Qofkii Qori gata waa la dilaa, Bastooladaa ugu yar waa in qofka loo dilo haddii uu xado,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Ugu dambeyntii Taliye Shub ayaa ku faanay in Taliyaha Ciidanka Asluubta ay yihiin kuga ugu fiican ciidamada qaranka, “Wanaageena aan ilaashano, difaaca noo adkeeya, cadowga aan ka hor tagno, gurmadna aan ahaano, waxaa dhowaan dib u bilaabanaya dagaalkii Khawaarijta,” ayuu yiri Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).
Hoos ka daawo

