Laascaanood (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta magaalada Laascaanood tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare ayaa ku sugnaa munaasabadda maanta tababarka loogu soo xiray ciidankaas oo lagu tababaray xero militeriga Soomaaliya uu ku yeeshay duleedka magaalada Laascaanood.
In ciidankaan la dhiso oo lagu diyaariyo Laascaanood waxay qeyb ka aheyd heshiiskii dhismaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari iyo aqoonsigii KMG ahaa ee SSC Khaatumo.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la go’aamiyey in ay toos u ilaaliyaan dowlad goboleedkaas xuduudda la leh Somaliland oo gooni ogoosad ah iyo Puntland oo ka carootay dhismihiisa.
Sidoo kale, dhismaha ciidanka xoogga qeybtiisa Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa barbar socota diyaarinta ciidan Daraawiish ah oo maamulkaas gaar u ah, oo si dardar leh ku socota.
Xalay ayaa la soo gabagabeeyey dhismaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo marxalado adag laga soo maray, iyadoo igu dambeyn la qanciyey beelaha wax ku leh maamulkaas oo beesha Warsangeli ay ugu tabasho badneyd.
Caawa waxaa Laascaanood ka socota xafladda xiritaanka shirweynihii lagu dhisay dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo loogu mahadcelinayo dadkii ka soo qeyb qaatay guusha laga gaaray dhismaha maamulkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqti badan gelisay dhismaha maamulkaas, waana ku guuleysatay, Laascaanood ayaa caawa kadib toos wax ula qeybsa doonta Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Baydhaba, Kismaayo iyo Muqdisho.
Hoos ka daawo