Dhaawacyo laga soo qaaday Laascaanood oo Muqdisho la keenay maanta (Daawo)

Muqdisho(Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kasoo degtay diyaarad sidday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada ka taagan gudaha magaaladaas ayaa billowday gurmad u fidinta dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka socdo halkaasi, waxayna dirtay diyaarado soo daabulo dadka qaba dhaawacyada halista ah.

Illaa sodomeeyo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalllada Laascaanood ayaa la keenay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay xildhibaan & mas’uuliyiin kale.

Dhaawacyada oo loo diyaariyay gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta ayaa loo qaaday qaar kamid ah isbitaallada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la keenayo dhaawacyo kale oo laga soo daabulayo magaalada Laascaanood oo ay weli ka taagan tahay xaalad murugsan.

Dowladda federaalka ayaa maalin kahor shaacisay mowqifkeeda, waxayna sheegtay isoo dhaweyneyso rabitaanka reer Laascaanood, ayna sidoo kale garab istaagi doonto.

Dagaalka haatan ka socdo gudaha magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu saaka dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama ay weli xabaddu sii dhaceyso.

Si kastaba waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.