Sawirro: Dareenka magaalada Muqdisho ee dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa la daala dhaceysa dhibaatada ka dhalatay dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkaasi, kaas oo sababay dhimashada ku dhowaad 15 kun oo qof, dhaawac intaas ka badan iyo burbur xoogleh.

Hay’adaha dowladda iyo kooxaha gurmadka ayaa weli meydad horleh ka baadi goobayo dhismayaasha soo dumay ee dalkaas oo haatan ku jiro xaalad adag.

Haddaba sidee Muqdisho looga dareemay dhul-gariirka ku dhuftay TURKIGA?

Magaalada Muqdisho ayaa la tiiraanyooneyso musiibada ka dhacday Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dadka ay mashaqadan ku dhintay ku jiro muwaadiniin Soomaaliyeed oo u badan arday, kuwaas oo ku noolaa gudaha dalkaasi.

Qoysaska la tiiraanyoonaya dhul-gariirka ku dhuftay waxaa kamid ah qoyska Cabdiraxiin Nuur Cismaan oo walaalkood Maxamed Nuur Cismaan ku waayey dhul-gariirkaasi.

Cabdiraxiin ayaa sheegay in walaalkiis uu kamid ahaa ardayda ku noolaa dalka Turkiga, isla-markaana xilliga uu dhacayay dhulgariirka uu ku sugnaa mid kamid ah magaalooyinka halakeeyay, isaga oo tilmaamay inuu booqasho ugu tegay rag kale oo ay saaxibo ahaayeen, balse uu ku soo dumay dabaqii ay daganaayeen, kadib dhulgariirka ku dhuftray Turkiga.

“Maxamed meesha waxa uu u joogay waxbarasho waxaa lagu jiray fasaxiim wuxuuna buuqasho ugu tegay rag ay saaxibo yihiin oo ku sugan magaalada uu dhul gariirku haleelay dabaqii ay ku jireen waa uu ku dumay Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Cabdiraxiin Nuur.

Sidoo kale waxaa tacsida iyo tiiraanyada musiibadan si weyn looga dareemayaa xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku qul-qulayaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda dhexe & kuwa dowlad goboleedyada oo tacsi u tegay safaaradda.

Waxaa kamid ah mas’uuliyiintaasi ra’iisul wasaare Xamza iyo qaar kamid golihiisa wasiirada oo maanta booqasho ugu tegay safiirka Turkiga, Danjire Ibrahim Mete Yagli.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada ayaa u duceeyay dadka dhintay, isaga oo saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadka ku dhintay dhulgariirka, waxaana isaga oo ku hadlaya codka Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu codsaday in salaadda Jimacaha ee berri si wadajir ah loogu soo duceeyo dadkii ku dhintay dhulgariirkaasi dalka Turkiye iyo Suuriya, inuu Allaah naxariistiisa Janno ugu deeqo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale mas’uuliyiinta booqday safaaradda Turkiga waxaa kamid ah guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas tacsi ku aadan dadkii ku geeriyooday waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga ugu tegay Safiirka dalka Turkiga ee Muqdisho.

Gudoomiyaha iyo wasiirrada ayaa saxiixay buuga tacsida, iyada oo uu alle kaga baryay dadkii halkaasi ku dhintay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna Ilaahay u booga dhayo.