10 sano kaddib oo $7 BILYAN ay baxday maxay Soomaaliya weli u wajahaysaa halista?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu qabtay munaasibad lagu daah-furayay qorshaha ka fal-celinta baahiya bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2023.

Kulankan oo ka dhacay Airport Hotel oo ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb-galay ergeyga madaxweynaha JFS ee arrimaha bani’aadannimada, agaasimaha hay’adda gurmadka Qaranka iyo wakiilka QM u qaabilsan arrimaha gargaarka.

Madaxda ka soo qeyb-galay kulankan ayaa waxa ay si qoto dheer u lafa-gureen sida Soomaaliya uga bixi lahayd xaaladda ay ku jirto ee bani’aadannimo.

Ergeyga madaxweynaha ee arrimaha bani’aadannimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay kulanka ayaa su’aal galiyay sababta ay weli Soomaaliya u wajaheyso halista abaarta, ayada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday.

“10 Sano kadib iyada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday, maxay Soomaaliya u wajaheysaa halista abaarta? Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in aan la rabin in ay isku filnaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dad lugu qiyaasay 8.25 milyan oo qof, oo ku dhow kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa ayaa sanadkan billowga ah u baahan caawinaad naf badbaadis ah oo deg-deg ah.

In ka badan 1.4 milyan oo qof ayaa guryahooda ka bara-kacay si ay u helaan biyo, cunto iyo hab nololeed cusub.

Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laga cabsi qabo macluul bilaha April iyo June ee sannadkan, haddii aan la joogteynin gar-gaarka bani’aadannimo.

Arrimahan ayaa imanaya, iyada oo saadaalintu ay gaddaba muujineyso in xilli roobaadka gu-gana uu noqdo mid hooseeya, taasi oo uga sii dareysa xaalada taagan.