Xiisadda LAASCAANOOD oo weji cusub yeelatay kadib tallaabadii Saleebaan Diiriye

Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay weji cusub yeelatay, taas oo marba marka ka dambeyso kasii dareyso, waxaana dagaalka uu galay maalintii afaraad.

Xiisadda oo sii xoogeysatay ayaa keentay in mas’uuliyiinta gobolka ay ka tagaan shaqada, waxaana haatan is casilay Saleebaan Diiriye Cabdi oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool ee Somaliland, kaas oo la hadlay warbaahinta, kuna dhowaaqay go’aankiisa.

Saleebaan oo xilkan loo soo magacaabay markii uu bilaabanayey kacdoonka Laascaanood ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay ‘guumaadka’ lagu hayo shacabka magaaladaasi.

Sidoo kale ninkan ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda deegaanka inay iska casilaan xilalka ay u hayaan Somaliland oo ku eedeeyay inay wado xasuuq shacab.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan magaalada, isaga oo beeniyay in Somaliland ay Laascaanood kula dagaalameyso argagixiso, wuxuuna shaaciyay in waxa dagaalamaya ay yihiin dadka deegaanka oo kasoo horjeestay dulmi jirsaday 15 sanno ah.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Sool ee ku dhawaaqay is-casilaada ayaa intaasi kusii daray in Somaliland uu ugu baaqayo inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha degmada Laascaanood, si loo yareeyo khasaaraha soo gaarayo dadka shacabka ah ee dhimanaya.

“Xalkii Laascaanood kolay xabad ayuu noqday, umada inta hadhay in ay kala badbaado waxa lagu heli karaa ciidamadaas oo Laascaanood lagala baxo” ayuu yiri Saleebaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu saaka markale dagaalka uu dib uga qarxay Laascaanood, wuxuuna xoogiisa ka socdaa aagga xerada loo yaqaano Qooja-cadde.

Si kastaba, waxaa haatan isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay arrinta ka taagan xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya gudaha magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.