Somaliland oo soo saartay sheegasho yaab leh oo ku saabsan dagaalka L/Caanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-Engilish ayaa war cusub kasoo saaray dagaalka culus ee maalinta afaraad ka socdo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiirka ayaa marka hore iska fogeeyay eedaymaha loo jeedinayo ee ah in ay dad shacab ah ku laayeen magaaladaasi, wuxuuna tilmaamay in uu dagaalka u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo koox argagixiso ah oo soo weeraray xarumaha ciidamadooda milatariga.

Kayd ayaa carabka ku goday in dagaalka ay ka qayb-qaadanayaan xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga,” ayuu yiri wasiir Kayd.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay tusayaan beesha caalamka iyo cid walba oo u baahan arrintaasi caddeynteeda, sida uu ku dooday Wasiir Ciise Kayd Maxamuud.

“Waxaanu heynaa maxaabiis Al-Shabaab ah, waxaanu heynaa maxaabiis Puntland ah iyo maxaabiis dagaal waxaan diyaar u nahay inaan tusno oo aynu la wadaagno beesha caalamka iyo cid walbaa xaqiiqdiina dagaal uma dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo reer Laascaanood kuwaas oo ah dad reer Somaliland ah,” ayuu markale yiri Wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Sirdoonkeenu waxa ay soo jeediyeen in weerarkan ay soo qaadeen xubno Al-Shabaab ah oo ka faa’iideysanyo xiisadda gudaha,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidanka Somaliland aysan burburin xarumaha caafimaadka ee magaalada, isaga oo tilmaamay inay iyagu shacabka u dhiseen. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in aysan weerar ku aheyn dadka rayidka ah ee reer Laascaanood.

“Ma weerari karno dadkeena rayidka ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalintii afaraad oo xiriir ah uu dagaal ka socdo Laascaanood, kaas oo ay ku dhinteen illaa 50 qof, kuna dhaawacmeen dad kor u dhaafayo illaa 150 ruux oo u badan rayid, kuwaas oo la kala geeyay Muqdisho iyo Garoowe.