Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinnoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii gaari xamuul oo soo fariin goostay uu dardaray mooto Bajaaj, xilli uu marayay isgoyska Afarta Darjiin oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Shangaani ee gobolka Banaadir
Shilka ayaa dhacay xilli ay wadda mashquul ahayd, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay shilka, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida uu xaqiijiyay goobjooge ku sugnaa goobta, xilliga ay mashaqadu dhaceysay.
Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa darawalkii kaxeynayay mooto Bajaajta iyo qof kale oo saarnaa, iyada oo dhaawacyada si deg deg loola cararay goobaha caafimaadka.
“Meesha mootooyin badan ayaa maray baabuurka soo fariin goostay wuxuu horay u qaatay Bajaaj u socotay dhinaca Sanca, waxaana ku dhimatay laba qofood, waxayna kala ahayeen darawalka iyo qof shacab ah oo mootada saarnaa” ayuu yiri goobjooge la hadlay Telefishinka Somali Cable.
Dhacdadan ayaa si weyn ay dadka uga argagaxeen, waxaana muddo qaadatay in gaariga hoostiisa laga soo bixiyo maydadka iyo dhaawacyada.
“Gurmad wayn ayaa loo fidiyay dadka, Soomaali ayaa isugu timid meesha kadibna gaariga xamuulka waxaa laga dajiyay rarka, si looga hoos bixiyo dadka” ayuu sii raaciyay goobjoogaha.
Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka ay ka bixiyeen dhacdadan iyo haddii la qabtay darawalkii waday gaariga xamuulka ah.
Shilalka gaari ee ka dhaca Muqdisho ayaa gaysta khasaarooyin badan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxayna noqodeen dhacdooyin soo laa laabtay, iyada oo inta badan gaadiidka xamuulka ay yihiin kuwa duugoobay oo muddo dheer shaqeynayay