Daawo: Dibad-bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax weyn oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Dibad-baxa ayaa ka qabsoomay garoonka ciyaaraha Koonis, waxaana ka qayb-galay mas’uuliyiin iyo shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka.

Ujeedka dibad-baxa ayaa ahaa mid lagu taageerayo heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, uuna meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay dibad-baxa, isaga oo uu tilmaamay inay ku taageerayaan go’aanka dowladda dhexe ee difaaca badda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya oo madaxweynaha Jamhuuriyadda uu hoggaaminaayo, dadka gobolka Banaadir oo uu guddoomiyaha gobolka iyo maamulkiisa ay hoggaaminayaan waxay taageerayaan sida ay mar kasta ugu taagan yihiin difaaca, dalka iyo diinta” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u mahadcelinayaan dowladda Turkiga oo Soomaaliya u muujisay garab istaag buuxa, taas oo ka tarjumeysa saaxibtinimada labada waddan.

“Dowladda Turkiga ayay maanta halkan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaan, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir, waxaana ugu mahadcelineynaa saaxibtinimadooda joogtada ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Yabooh.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u taageersan heshiiskaan, maadaama Soomaaliya ay deg deg ugu baahan tahay garab difaac, sida aad horay u ogeydeenba Itoobiya ayaa cadeysatay damac waali ah oo badda Soomaaliya ay ku gunguriyeyneyso, waxaana khasab noqotay in awood looga difaaco badda Soomaaliya.

8-dii bishaan ayey wasiirrada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga heshiiskaan ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana labo maalmood ka hor faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo baxay heshiiskaas, kadib markii golayaasha dastuuriga ah ee ay ansixiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh-na uu saxiixay.

Heshiiskaan ayaa sii jiraya muddo 10 sano ah, wuxuu ogolaanayaa in ciidamada Turkiga ay soo degaan badda Soomaaliya, isla markaana ay ka difaacaan wax kasta oo sharci darro ah, mudadaasna waxaa lagu dhisi doonaa awooda ciidamada badda Soomaaliya, si waajibaadkooda qaran ay u gutaan.

Turkigu waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna Itoobiya ugu hanjabay in dhulka Soomaaliya aysan imaa karin oo awood ciidan looga difaaci doono, kadib markii madaxweynaha Turkiga uu toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.