Daawo: Ehalladii dadkii ay laayeen ciidanka Amisom oo ku dhowaaqay in Axadda ay weerarayaan xerada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada dadkii beeraleyda ahaa ee ciidanka AMISOM ay ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose aya soo saaray go’aan cusub, kadib 43 maalmood oo banaanbaxyo toos ah ay ka wadeen gobollada Shabeelooyinka iyo Banaadir.

Xuseen Cismaan Waasuge, waa afhayeenka beeraleyda gobolka Shabeellada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hadda go’aansadeen in gacmahooda ay cadaaladda ku raadsadaan oo la dagaalamaan ciidanka Uganda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.

“8-qof ayaa nalaga dilay hadda waxaan diyaar u nahay inaan u aarno dadkeenii oo caadaladda aan gacmaheena ku raadsano, kala ma naqaano AMISOM, laakiin 8 ka mid ah ayaan u dileynaa,” ayuu yiri Xuseen Waasuge.

Waxa uu sheegay inay la kulmeen saraakiisha AMISOM 19-kii bishaan, oo ay u qabteen 3-maalmood inay jawaab uga helaan, balse AMISOM ay ka codsatay todoba maalmood oo ku eg maalinka Sabtida ee soo socota ee 25-ka bishan.

“Maalinta Axadda ah beeraley waxay u balansan yihiin inay galaan xerada AMISOM ee Golweyn, hadii aan jawaab ka weyno ugu dambeyn Sabtiga, waan dagaalameynaa gacanteenna ayaan ku raadsan doonaa cadaaladda,” ayuu yiri.

Xuseen Waasuge waxuu intaas ku sii daray, “Waxaa naga go’an in dadkii na xasuuqay aan ka aar gudano. Beeraleydu ma ahan dad hubeysan, laakiin markii 500 oo qof aan xerada ku galno, oo 100 naga mid ah ay dilaan, inta kalena ay qoryaha la qabsato, sidaas ayaan rajeyneynaa inaan ku leyno. Ilaahey hadii uu idmo.”

Waxa uu sheegay inay AMISOM ka warqabto caradooda iyo culeyska ay arrintaan ku reebtay.

“Dowladda Soomaaliya, guud ahaan  shacabka iyo culumada Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa inay naga go’antahay inaan dagaalanno, cadaalad aan aheyn inaan sideed askari oo Ugandeys ah aan dilano kuma qanceyno,” ayuu hadalkiisa ku siidaray.

Sidoo kale Afhayeenka beeraleyda Shabeellada Hoose waxa uu sheegay in maalinka Axada ah ee 26-ka bishan ay ka go’antahay inay dhamaadaan, isagoo ugu baaqay cidii gacan sii karta inay deg deg ula soo gaarto garab istaageeda.

43-kii cisho ee la soo dhaafay waxaa qaboojiye ku jiray oo weli ku jira meydadka dadkii ay AMSIOM ku leysay Golweyn, kuwaas oo ehelladoodu ay wacad ku mareen in aan la aasi dooni ilaa loo helo cid loo aaso ama lala aaso.

Hoos ka daawo afhayeenka beeraleyda Sh/Hoose