Daawo Fahad: Mar labaad in kursiga lagu soo noqdo waxa aan ka baran doonaa Khadiija

Beledweyne (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Maanta loo doortay xildhibaan Afart Sano ee soo socota ku fadhiisan doono Kursiga HOPP#086 ayaa uga mahad celiyey ergadii u dooratay Kursigaan.

Fahad Yaasiin oo khudbad kooban ka jeediyey meesha ay ka dhacday doorashadiisa ayaa sheegay inuu dhibaato badan usoo maray sidii uu u heli lahaa kursigan.

“Waa ku mahadsan tihiin inaad ii doorataan kursigaan, waxaan u mahadcelinayaa guddiga doorashada oo waqtiga badan geliyey arrintaan, waxaan kursigaan ku matali doonaa Beledweyne, HirShabelle iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in la arkay waxa ay tahay doorashada dadban ee dalka ka dhacdo, wuxuuna sheegay inuu Khadiija Maxamed Diiriye oo joogtay halka lagu doortay uu ka baran doono sida mar labaad iyo mar Sedexaad loogu soo noqdo kursiga.

Fahad Yaasiin oo magacyo kala duwan u isticmaalo Dokumiintiyadiisa ayaa lagu diiwaan geliyay magac aan horay loogu aqoon oo ah Fahad Daahir Axmed, oo ahaa midka Baasaboorada ku isticmaalo, taasoo ah bilow cusub, weji cusub iyo magac cusub oo uu ku daah furayo booggiisa cusub ee siyaasadeed.

Doorashada Fahad ayaa soo geba-gebeyneysa mid ka mid ah kuraastii ugu hadal haynta badnaa ee xildhibaan, ayada oo Fahad la sheegay in hadda qorshihiisa xiga uu yahay inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.