Daawo: FAHAD oo sheegay laba sabab oo uu ku doortay aamusnaanta iyo is-qariska

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay lasii daayey qeybtii koowaad ee wareysi uu taliyihii hore ee NISA iyo agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu siiyey warbaahinta Gaylan Media.

Qeybtan, wuxuu Fahad uga hadlay taariikh nololeedkiisa iyo sida uu kusoo galay siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirkiisa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo arrimo kale.

Wareysigan kahor, Fahad Yaasiin waxa uu ahaa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012-kii.  

Ma jirinsawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, waxaana sawirkii ugu horreeyey laga qaaday markii uu xildhibaanka isku sharxay, waxaana wareysiga lagu weydiisay sababta uu sidaas u doortay.

Wareysigan ayuu Fahad ku sharraxay sababta uu aamusnaa, wuxuuna ku sheegay laba qodob. 

“Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay. 

“Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn. In aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma hayninba,” ayuu yiri.

Fahad waxa kale oo uu sheegay inuu jecel yahay wax akhriska, islamarkaana mar kasta oo uu firaaq helo ama kaligiis yahay uu akhristo buugaag ama maqaallo, si gaar ahna uu u jecel yahay aqriska taarikhda Islaamka.

Hoos ka daawo wareysiga Fahad