BEESHA CAALAMKA oo war kasoo saartay xiisadda culus ee ka taagan Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee maamulka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada ayaa war kasoo saaray xaaladda kacsan ee ka taagan Somaliland iyo qalalaasihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hargeysa.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsanyihiin qalalaasihii Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii Khamiistii, waxayna beesha caalamka xisbiyada ka jira Somailand iyo xukuumadda talada heyso ugu baaqday in ay is xakameeyaan si looga fogaado gacan ka hadal sababi kara dhimasho iyo dhaawac.

“Saaxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadeynta Somaliland waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee shalay, waxaana dhammaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Somaliland in si loo ilaaliyo nabadda, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada inay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada si xal looga gaaro waxyaabaha lagu isku hayo horayna loogu dhaqaaqo.

Qoraalkaan ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixnaa waddamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Qalalaasihii ka dhacay Hargeysa ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 10 qof halka xabsiyada loo taxaabay tiro intaas ka badan, wuxuuna bilowday kadib markii Ciidamada Booliiska Somaliland ay xoog ku hor istaageen dad ay mucaaradku sheegeen in la siinayay tababar mudaharaad galinkii hore ee Khamiistii.

Xaaladda magaalada Hargeysa ayaa hadda dagan, waxayna xisbiyada mucaaradka qorsheenayaan inay banaanbaxyo sameeyaan maalinta berri ah lamana oga sida uu ku hirgeli karo maadaama xukuumadda Somaliland ay diidan tahay.