Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay waxa dowladdiisa lagula xisaabtami doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasibadii caleemo-saarkiisa ayaa sheegay in dowladiisa ay noqon doonto mid la dareen ah shacabka, islamarkaana dhago-nugul cabashadooda.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, uuna noqon doono adeege shacab oo u dhaweeya mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan.

“Dowladeyda waxaa lagula xisaabtami doonaa waxqabad. Dawladeydu waxay noqon doontaa mid dhageysata oo ixtiraamta dadkeeda oo keliya dantooda ka shaqeysa,” ayuu yiri.

“Dimuqraadiyada waxaa iska leh shacabka, waxaanan ku dadaali doonaa inaan noqdo adeege shacab oo intii karaankiisa ah u dhaweeya mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ayna mudan yihiin.”

Sidoo kale waxa uu mahad-celin ballaaran u jeediyay shacabka Soomaaliyeed oo ay wakiiladooda markale u doorteen masuuliyada u sareysa dalkeena.

“Yididiilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad ka tarjumeysa himilooyinkooda waa mid aan har iyo habeen ku shaqeyn doono, anigoo kaashanaya taageerada shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan in uu ka dhabeyo himilada ku saleysan “Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah”.