Aqriso: Xasan Sheekh oo shaaciyay 7 qodob oo saldhig u ah ‘Soomaali heshiis ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta munaasibada caleemo-saarkiisa ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixiyay hal-ku-dhigiisa Soomaali Heshiis ah, kaasi oo uu ku sharaxay 7 qoddob oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu horeyntii sheegay in ujeedku yahay Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay udub-dhexaad u tahay cadaaladu.

“Waxaa bogaadinayaa horumarka iyo degenaanshiyaha deegaanada Somaliland, waxaana si gaar ah diirada u saari doono sii wadida wada-hadalada, iyadoo markasta laga jawaabayo dadkeenaas Soomaaliyeed inay helaan xaqa muwaadinimo ee ay leeyihiin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka hortagi doonaan waxkasta oo caqabad ku noqon kara wada-hadalada iyo dib u heshiisinta, si ay dadkeenu iskugu dhawadaan.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

  1. Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xaliyo tabashooyinka la kala qabo.
  2. Ka miro-dhalinta wada-hadala DF iyo Somaliland, iyada oo muhiimada la siinayo in dadka reer Somaliland ay helaan xaqooda muwaadinimo.
  3. Xasilooni siyaasadeed oo lagu gaaro wada-tashi, wada-ogol iyo wada-jir ka dhaxeeya hogaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada iyadoo markasta la tixgalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.
  4. Taaba-galinta hanaanka federaalka si uu u nqodo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeeyo dowladnimada.
  5. Taaba-galinta heshiiska bulsho ee ku suntan dastuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo is-qancin iyo isku tanaasul.
  6. Taaba-galinta hanaanka dimoqraadiyada ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doono doorta, meel walbana laga dooran karo.
  7. Dhismaha garsoor hufan, madax-banaan islamarkaana haqabtiri kara baahida cadaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.