Daawo: Farmaajo oo xarunta gurmad qaran kaga jawaabayo talefoonada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta sameeyey tallaabooyin uu ku muujinayo sida ay uga go’an tahay inuu u garab istaago Shacabka Soomaaliyeed ee Musiibada ku dhacday .

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran ee ku taalo Zoobe agteeda, Xarunta Guddiga oo uu tegay madaxweynaha ayaa waxaa yaalla taleefoono loogu talo galay in looga jawaabo Cabashada daweynihii ay eheladooda ku waxyeeloobeen qaraxii Soobe.

Madaxweyne Farmaajo oo Goobta ku sugan ayaa Gacantiisa ku qabanaya taleefoonada ay dadweynaha soo wacayaan isaga oo amraya in qof walba wixii mcquul ah ee uu doonayo loo qabto.

Halkaan hoose ka daawo sawirada iyo muuqaalka Madaxweynaha: