25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Daawo: Fiqi oo sameeyay ballan-qaad culus oo la xiriira dagaalka Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo ballan qaaday in muddo kooban uu kusoo afjarayo kooxdan oo muddo tobanaan sanno ah dagaal ka wadda gudaha dalka.

Fiqi oo maanta wareejiyay xilkii wasaaradda arrimaha dibadda ee uu horay u hoyaya ayaa marka hore shaaciyay waxa ay uga dhigan tahay in la geeyo gaashaandhigga.

“Runtii way kala duwan tahay in aad Taay ku labisatid oo aad diyaarad saaran tahay, kana qayb-gashid shir caalami ah iyo iyo in aad tuute labisatid oo meel kulul tagtid oo joogtid dhufeysyada ciidamada” ayuu yiri wasiirka cusub ee wasaarada gaashaandhigga.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Hiiraan, isla-markaana ay Macawiisleyda ku laayeen xubnihii ugu badanaa ee soo weeraray, isaga oo sheegay in taasi ay muujineyso inay sii awood yaraaneyso koxoda argagixisada ah.

“Waxaan rajeynayaa kooxaha Khawaarijta ee aadka u tabarta daran oo shalay aad arkeyseen reer Hiiraan waxa ay ku dhigeen, waxay gaareen heer ay qaadan waayeen maydadkooda, waana jilcsan yihiin nimanka” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.

Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas kusii daray in dagaalka uu sii dardar-gelin doono, isla markaana muddo kooban uu dalka uga saari doono kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka cusub ee gaashaandhiga ayaa sidoo kale dalbaday in lala shaqeeyo, isla markaana loo midoobo dagaalka ka socda dalka, si looga xoreeyo Khawaarijta.

“Waxaan ku han waynahay in Khawaarijta muddo dhow la’is gacan saari doono, kadibna muddo kooban dalka oo dhan looga kaxeyn doono” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo la filayo in ay dhacaan isbedallo waawayn oo la xiriira Taliska Ciidamada Xoogga dalka, kadibna dib boorka looga jafo gulufka ka dhan ah Al-Shabaab, si loo loogu laabto deegaannadii ugu dambeeyay ee dib looga soo baxay.

- Advertisement -

Read more

Local News