Daawo: FIQI oo shaaciyay qorshe halis ah oo Al-Shabaab ay iskaga hor keentay…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalim Fiqi oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa shaaciyay in kooxda ay qorshe halis ah ka waday deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kooxda ay muddo iska hor keenaysa qabaa’ilka Soomaaliyeed iyada oo adeegsaneysa odayaal dhaqameed iyo maleeshiyaad u daacad ah.

Waxa uu sheegay in dilal ka dhacay deegaanada Galmudug qaarkood oo kooxda ay fulisay loo saariyay beelo kale, taasi oo dhalisay iska hor imaad jufooyinka dhexdooda ah, ayna tahay in lagu baraarugo qorshayaasha halista ah ee Al-Shabaab ay ku rabaan cimri-dherersiga.

“Nimankaas gobolkaan Mudug xog rasmi ah ayaa jirta odayaal shirka jaraa’id u dhiibaan oo qabta iyo gacmo maleeshiyaad ah oo u fuliya dilalka. Marka dilka fuliyaan inta uu oday halkaan soo istaago uu leeyahay reer hebel ayaa na dilay oo islamarkiiba weecinaya arrintii,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u xusay in dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug ay horseed u aheyd kooxda iyo xubnaha la shaqeeya, “Dad badan oo dagaalo waaweyn uga dhaceen gobolkaan iyo degmada aan hadda joogno ayaa nimanka ayaan dhaweyd la qabtay ay sheegeen inay iyagu dileen.”

“Laakiin loo haystay oo haddii dib loo fiiriyo Media-ha la arkayo odayaal waaweyn oo inta shirar jaraa’id qabtay yiri reer hebel deegaankaas ama deegaankaas ayaa nagala dilay, wixii nagu dhex jiray kuwaasi qeyb kamid ah weeyi.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheega inay marar qaar xoqato kaar qabiil, si ay danaheeda uga fushato, inkasta oo hadda baddi qabiilada ku baraarugeen dhagarta kooxda, uuna guluf culus oo ka dhan ah ka socda dalka, haddana waxay kooxda isku dayeysa inay la timaado taatikooyin cusub.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka.