Daawo: Gabadhii ’15 jirka aheyd’ ee kursigii la diiday kula tartantay xildhibaan Sareedo oo hadashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxadii la tartantay Xildhibaano Sareedo Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursiga HOP154, oo uu Guddiga doorashooyinka uu sheegay in qaabkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa hore u sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020.

Gabadha oo lagu magacaabo Fardowsa Ibraahim Cabdi ayaa ayada oo ay garab taagan tahay xildhibaan Sareedo beenisay inay jirto 15 jir, islamarkaana ay da’deedu tahay 27 jir, taasi oo meesha ka saareysa eedeynta loo laalay kursiga HOP154.

“Weligay ma tagin meel lagu tartamayo, aniga codsaday in aan la tartamo, doorashadana waxay u dhacday si cadaalad ah oo ula tartamay (Sareedo),” ayey tiri.

Xildhibaano Sareedo oo ayaduna hadashay ayaa sheegtay in da’da laga faafiyay gabadha la tartantay ay ka dambeeyan dad xumaan tashiil ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waa gabadh 27 jir ah oo dhalatay 1994, Soomaaliya waxaa la keenay qofka markii wax laga sheegayo been laga sheego oo la maago. Dadka xun warkooda yaan la tixgelin ee dadka fiican ha la tixgeliyo,” ayey tiri.

Si kastaba, arrinta yaabka leh ayaa ah in gabadhan iyo xildhibaan Sareedo ay weli wada socdaan toddobaadyo kadib doorashadii, taasi oo muujineysa inuu xiriir ka dhaxeeyo, oo ay doorashada ka aheyd malxiis un.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Guddiga doorashooyinka heer federaal uu horaanta bishii hore ku dhawaaqay in kursiga ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareeda uu ku celisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.