Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo is-casilay

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa goordhoweyd is casilay, ayaga oo warqada istiqaalada u gudbiyay xubnaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Guuleed Saalax, Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland oo qoraal soo saaray kadib markii uu xilkaas iska casilay, ayuu ku sheegay in duruufo ka horyimid dartood uu goostay in uu baneeyo booskaas.

Xirsi Faarax ahna Guddoomiye ku-xigeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa asagna is-casilaadiisa ku sheegay inay ku salaysan tahay duruufo amni u gaar ah, sida uu sheegay.

Labada mas’uul ayaa ahaa kuwii ugu sareeyay ee hogaaminayay guddiga doorashooyinka Puntland ee qabtay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka qabsoomay qeybo kamid ah deegaanada maamulkaas. Guddigan waa midka u gaarka ah Puntland, ee ma ahan kuwii qabanayey doorashooyinka federaalka.

Hoos ka aqriso labada qoraal ee ay soo saareen Guuleed iyo Xirsi

Qoraalka Guuleed Saalax

Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.

Aniga oo ku kalsoon aqoonta, khibradda, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, waxaan ALLE idankiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh ku dhamayndoonaan. Shaqada inteeda badan waxaa awalba hayay xubnaha kale iyo shaqaalaha, Guddoon ahaan kaalintayadu waxay ku koobnayn hogaamin, matalaad iyo hagis guud.

Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo gacanqabad iyo taageero siisay Hay’adda Doorashooyinka si guud anigana si gaar ah muddadii aan hogaaminayay Hay’adda. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelin Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta dawladda, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha reer Puntland iyo saaxiibada beesha caalamka.

Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga oo aan soo wada qabanay shaqo adag duruufo adagna aan soo wada marnay.

Bulshada reer Puntland oo aan aragnay sida ay ugu baahiqabaan nidaam dawladnimo oo ku yimaada doorasho dadweyne oo xalaal ah, waxaan ku kalsoonahay in dawlad iyo dadweynaba aan hayaanka iyo tubta cagta la saaray marna aan laga noqondoonin.

Muddadii aan hogaaminayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wixii wanaagsanaa ee na qabsoomay mahaddeeda ALLE ayaa iska leh, ka sokow xubnihii iyo shaqaalihii Guddiga ee muujiyay hawlkarnimo, daacadnimo iyo iskuduubni. Wixii farsamo ahaan naga qaldamay muddadaas masuuliyaddeeda aniga ayaa qaadaya cudurdaar iyo raaligelina kasiinaya dadweynaha reer Puntland.

Aniga oo muwaadin ah waxaan marwalba diyaar u ahaandoonaa inaan talo iyo tabarba la garab istaago dhamaystirka hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Qoraalka Xirsi Faarax