Abu Dhabi (Caasimada Online) – Go’aanka dalka Imaaraadka Carabta uu kaga baxay dalladda shidaalka ee OPEC ayaa loo arkaa farriin digniin ah oo si toos ah ugu socota Sacuudi Carabiya iyo hadiyad siyaasadeed oo la hordhigay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Tallaabadan ayaa muujinaysa calaamaddii ugu dambeysay ee caddeynaysa in dagaalka lagu qaaday Iiraan uu sii hurinayo xiisadihii hore ee ka dhex oognaa dalalka Gacanka Carbeed, beddelkii uu gobolka ka dhigi lahaa mid isku duuban.
Marka dusha sare laga eego, ka bixitaanka Imaaraadka ee Ururka Dalalka Dhoofiya Shidaalka (OPEC) ayaa ah gunaanadka khilaaf soo jiitamayay oo u dhexeeyay Abu Dhabi iyo Riyadh, kaas oo salka ku hayay xaddiga shidaal ee loo oggol yahay in dalalka xubnaha ka ah ay soo saaraan. Ilaa iyo dhowaan, xukuumadda Riyadh ayaa dooneysay in la xaddido wax-soo-saarka si loo ilaaliyo qiimaha shidaalka, halka Imaaraadku uu doorbidayay in la debciyo wax-soo-saarka si suuqa loo geliyo shidaal badan.
“Imaaraadku wuxuu waligiis taageersanaa istaraatiijiyadda ku dhisan kordhinta wax-soo-saarka, halka Sacuudiguna uu garab taagnaa istaraatiijiyadda kor-u-qaadista qiimaha,” ayuu yiri Arne Lohmann Rasmussen, oo ah falanqeeyaha sare iyo madaxa cilmi-baarista ee hay’adda Global Risk Management oo la hadlay warbaahinta Middle East Eye.
Kala duwanaanshahan ayaa dib ugu laabanaya qaab-dhismeedka dhaqaale ee labada dal. Sacuudi Carabiya waxaa ku nool 35 milyan oo qof, waxayna haysataa kayd shidaal oo la xaqiijiyay oo in ka badan laba jibbaar ka badan kan Imaaraadka. Dhanka kale, Imaaraadka waxaa ku nool hal milyan oo muwaadiniin ah oo keliya, taas oo macnaheedu yahay in dad aad u yar ay wadaagaan faa’iidada ka soo baxda shidaalka.
Intaas waxaa dheer, dowladda Imaaraadka ayaa maalgashi baaxad leh ku samaysay kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo u oggolaanaya inay soo saarto islamarkaana dhoofiso shidaal badan, arrintaas oo ay falanqeeyayaashu ugu yeeraan kobcinta awoodda wax-soo-saarka.
Rasmussen ayaa xusay in Imaaraadku uu yahay dalka ka tirsan OPEC ee leh awoodda wax-soo-saar ee ugu badan ee kaydka ah marka la barbar dhigo inta uu hadda soo saaro. Wuxuu tilmaamay in lagu doodi karo in tani ay tahay xisaab dhaqaale oo sax ah, maadaama shidaalka dhulka ku jira laga yaabo inuusan yeelan doonin qiimihii uu maanta leeyahay shan ama toban sano kaddib.
Balse khubarada ayaa sheegaya in ka hor dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan, ay xukuumadda Riyadh xaqiiqdi aad ugu soo dhawaatay mowqifka Imaaraadka. Sacuudiga oo horay ugu hanjabay ganacsatada shidaalka inay wajihi doonaan xaalad adag haddii ay shaki geliyaan sida ay uga go’an tahay inuu xakameeyo sahayda shidaalka, ayaa markii dambe ka tanaasulay mowqifkaas, isagoo taageeray in wax-soo-saarka si weyn loo kordhiyo.
‘Kani waa mid siyaasadeed’
“Kala duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya wuu jiray muddo dheer, balse Sacuudiga ayaa u weecday dhanka dib-u-hanashada saamiga suuqa, dagaalkuna wuxuu xaqiiqdi is-maandhaafkoodii hore ka dhigay mid aan sii ridnayn. Bixitaankani waa mid salka ku haya arrimo siyaasadeed oo aad u qoto dheer,” ayuu yiri Greg Priddy, oo ah khabiir sare oo qaabilsan Bariga Dhexe kana tirsan xarunta Center for the National Interest.
Ka bixitaanka dalka saddexaad ee ugu wax-soo-saarka badan ururka OPEC ayaa ku soo beegmaya xilli xukuumadda Abu Dhabi ay olole xooggan ugu jirto in Mareykanku uu sii wado dagaalka uu kula jiro Iiraan, iyadoo dhanka kalena xiriir dhow la samaysanaysa Israa’iil.
Warbaahinta Axios ayaa toddobaadkan tabisay in Israa’iil ay nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome iyo khubaro farsamo u dirtay Imaaraadka markii dalkan yar ee Gacanka ay weeraro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) uga imanayeen dhanka Iiraan.
Dalalka Gacanka ayaa saldhigyo u ah kumanaan askari oo Mareykan ah, waxayna si dhow ugu xiran yihiin nidaamyada hubka ee Washington. Guud ahaan gobolka ayaa garab istaagay Mareykanka inkastoo ay ka caroodeen in la iska indhatiray baaqoodii ahaa in aan la weerarin Iiraan.
Sacuudi Carabiya ayaa gacan siisay dagaalka Mareykanka ee Iiraan iyadoo u oggolaatay inuu isticmaalo saldhigyada iyo hawadeeda, balse waxay sidoo kale taageertay dadaallada dhexdhexaadinta ee uu wado dalka ay xulafada dhow yihiin ee Pakistan.
Taa beddelkeeda, Imaaraadka ayaa fagaaraha iyo daaha gadaashiisaba uga ololeeyay in Mareykanku uu sii wado weerarada Iiraan, wuxuuna isku dayay inuu hor istaago dadaallada ay Pakistan wadday ee ay doonaysay inay miiska wada-hadalka isugu keento Mareykanka iyo Iiraan.
Abaal-marinta ka bixitaanka OPEC
Imaaraadka oo ka baxaya OPEC xilli uu Mareykanku miisaamayo inuu heshiis la galo Iiraan iyo inuu dagaalka sii wado, ayaa loo arki karaa tallaabo lagu shukaansanayo Madaxweyne Trump, kaas oo muddo dheer dalladda OPEC ku eedeynayay inay “baad ka qaadato inta kale ee adduunka”.
Ellen Wald, oo ah khabiir sare oo ka tirsan hay’adda Atlantic Council, qortayna buugga Saudi Inc oo ka warramaya taariikhda shirkadda Aramco, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda LinkedIn ku sheegtay: “Waa suurtagal in go’aankani uu sidoo kale yahay natiijo ka dhalatay nooc ‘heshiis’ ah oo dhexmaray Imaaraadka, Israa’iil iyo Mareykanka, kaas oo ahaa in ay ka caawiyaan difaaca Imaaraadka ee ka dhanka ah Iiraan iyadoo lagu beddelanayo in dharbaaxo weyn lagu dhufto ururka OPEC, taas oo ahayd ujeeddo uu Trump muddo dheer raadinayay.”
Waxay intaas raacisay in aysan la yaabi doonin haddii mustaqbalka dhow lagu dhawaaqo heshiis dhanka difaaca ah.
Waxaa jira calaamado muujinaya in Imaaraadku uu u diyaar-garoobayo in xaaladda kacsanaantu ay muddo dheer sii socoto, isagoo dhanka kalena labalaabaya isbaheysiga uu la leeyahay Mareykanka.
Sidii ay horay u baahisay Middle East Eye, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Sheekh Cabdullaahi bin Saayid ayaa u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio in Abu Dhabi ay u diyaar garowday in dagaalku uu socdo ilaa sagaal bilood. Horraantii April, Imaaraadka ayaa maamulka Trump weydiistay heshiis is-dhaafsi lacageed (currency swap line), kaas oo dammaanad qaadaya in Imaaraadku uu helo lacagta doolarka Mareykanka haddii kaydkiisa lacagaha qalaad uu gabaabsi noqdo.
Khubarada ayaa qaba in go’aanka Imaaraadku uu uga baxay OPEC uu qayb ka yahay xafiiltanka ballaaran ee kala dhexeeya Sacuudi Carabiya. Xukuumadda Riyadh ayaa awood weyn ku leh ururka iyo isbaheysiga fidsan ee ay ku jirto Ruushka ee loo yaqaan OPEC+. Diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan gobolka ayaa u sheegay Middle East Eye, in arrintani ay si weyn u careysiin doonto Sacuudiga, isagoo yiri: “Waxay u muuqataa in Imaaraadku uu niyadda ku hayo arrin intaas ka weyn.”
Sacuudi Carabiya waa dalka ugu weyn gobolka, waxaana la mid ah Imaaraadka, wuxuuna leeyahay hammi ah inuu saameyntiisa awoodeed ku fidiyo dibadda. Xaqiiqdii, Sacuudi Carabiya ayaa weerartay xulafada Imaaraadka ee gudaha dalka Yemen waxyar uun ka hor intii uusan qarxin dagaalka Iiraan. Labada dal ayaa sidoo kale kala taageeraya dhinacyada isku haya dagaalka sokeeye ee dalka Suudaan.
In kasta oo weeraradii Iiraan ee Gacanka ay dhaliyeen rajooyin sheegaya in colaaddu ay dib isugu soo celin doonto labadan dal ee horay saaxiibada u ahaa, haddana mar kasta oo uu dagaalku sii daba-dheeraado, waxaa muuqanaysa in Abu Dhabi iyo Riyadh ay dedejinayaan loollankooda.
Tusaale ahaan, Middle East Eye, ayaa kashiftay in shixnado hub ah oo ka yimid Pakistan oo uu Sacuudigu bixiyay kharashkooda ay bishii Maarso soo gaareen bariga Liibiya, hubkaas oo la siiyay Khaliifa Xaftar, kaas oo ciidamadiisa ay xukuumadda Riyadh isku dayayso inay ka fogeyso gacan-ku-haynta Imaaraadka.
‘Imaaraadka oo awood yeelanaya’
Wasiirka Tamarta ee Imaaraadka Suhail al-Mazrouei ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in ka bixitaanka OPEC, oo ahayd yool muddo dheer u qorsheysnaa Imaaraadka, ay xaqiiqdii fududeysay colaadda taagan: “Waqtigu aragtideena waa mid sax ah sababtoo ah wuxuu leeyahay saameynta ugu yar ee dhammaan dalalka soo saara shidaalka.”
Bernard Haykel, oo ah bare-sare oo cilmiga Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda Princeton, ayaa u sheegay Middle East Eye, in Imaaraadku uu leeyahay aragti aad uga duwan mida Sacuudiga marka ay timaado wax-soo-saarka tamarta, taasina ay la macno tahay in aysan hadda kaddib qasab ku ahayn inay dhegeystaan Sacuudiga oo ahaa kan go’aamiya shuruudaha OPEC.
Wuxuu xusay in Imaaraadku uu sanado badan miisaamayay inuu ururka ka baxo. “Ugu dambayntii way sameeyeen, waxaana suurtagal ah inay ugu wacan tahay dagaalka. Xaalad kastaa waa mid is-bedbedelaysa, waxaana jirta fursad lagu gaari karo go’aamo taariikhi ah,” ayuu raaciyay Haykel. Wuxuu intaas ku daray in Imaaraadku uu leeyahay awood wax-soo-saar oo dheeraad ah oo aad u weyn, ayna noqon karaan kuwa nidaamiya suuqa sida Sacuudiga haddii ay doonaan, arrintaas oo awood weyn siinaysa.
Falanqeeyayaasha tamarta ayaa isku raacsan in waqtiga go’aankan la qaatay uu yahay mid si wanaagsan loo qorsheeyay. Go’doominta ay Iiraan iyo Mareykanku isku weydaarsanayaan Marinka Hormuz ayaa sababtay in qulqulka tamarta ee mara Gacanka uu gebi ahaanba istaago.
Imaaraadka oo ka hor dagaalka dhoofin jiray ku dhawaad 3.5 milyan oo fuusto oo shidaal ah maalintii (bpd), ayaa hadda soo dhoofiya qiyaastii 1.9 milyan bpd isagoo adeegsanaya dhuun ku dhammaata dekedda Fujairah, taas oo aan marin Marinka Hormuz. Aragti ahaan, Imaaraadka ayaa kayd ahaan u haysta awood uu maalintii ku soo saari karo ku dhawaad hal milyan oo fuusto oo dheeraad ah.
“Haddii Imaaraadku uu ka bixi lahaa OPEC ka hor dagaalka, waxay ahaan lahayd arrin aad u weyn,” ayuu yiri Priddy oo ka tirsan xarunta Center for the National Interest. Balse wuxuu xusay in awood kasta oo dheeraad ah aysan xilligan suuqa soo geli doonin sababo la xiriira dagaalka, isagoo intaas raaciyay in xitaa haddii dagaalku dhammaado uu jiri doono hoos u dhac weyn oo ku yimaada kaydka caalamka, taas oo sahlaysa in si buuxda loo iibsado shidaalka dheeraadka ah ee ay soo dhoofiyaan.
Laakiin marka la eego mustaqbalka fog, khubaradu waxay aaminsan yihiin in Imaaraadku uu garaacay gambaleelka geerida isbaheysigan tamarta ee jiray 65-ka sano, kaas oo ay aasaaseen Iiraan, Ciraaq, Kuwait, Sacuudi Carabiya iyo Venezuela.
“Tani waa dharbaaxo weyn oo ku dhacday OPEC,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Rasmussen. “Waxaa suurtagal ah inaan hadda qoreyno warkii dhimashadeeda.”

