PUNTLAND oo war kasoo saartay dagalkii maanta ka dhacay duleedka caasimada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo goordhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dagaalkii xoogana ee maanta ka dhacay duleedka caasimada Puntland ee Garoowe.

Axmed Karaash ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeedyay dadkii ku dhintay dagaalkaas, halka kuwa ku dhaawacmayna uga baryay Ilaahay inuu ka kiciyo oo uu siiyo caafimaad, una booya dhayo.

Waxa uu ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalkaas, islamarkaana ay labada dhinac qaatan xabad joojin, ayada oo wixii jirra lagu xalinayo wada-hadal iyo jawi nabdeed.

“Waa dad walaalo ah oo xigto ah, waxaan ku baaqeyna in la joojiyo, waxa kale oo ku baaqeyna Isimada, culimada iyo odayaasha reer Puntland inay arrintaas u kacaan, dowladdana waxay awoodeeda saareysa sidii halkaas uga dhacdo nabad waarta,” ayuu yiri.

“Waxaa ku baaqeyna in xabada ay shuruud la’aan ku joogto, wixii ka dambeeyana sulux iyo wanaag lagu xaliyo, oo nabad-gelyada la ilaaliyo. Sheydaan ayaa ka adeegay waa inay istaagto colaada iyo dirirtaas.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkan ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay labo maleeshiyaad beeleed ayaa yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka taagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii