Maxay tahay sababta uu C/llaahi Maxamed Nuur u beegsaday ciidanka NISA ee garoonka Aadan Cadde?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay tallaabadii wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur uu ku amray Agaasimaha NISA Yaasiin Farey in ciidanka NISA uu ka soo saaro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa aad u taageeray talaabadaas, isagoo sheegay in ciidanka NISA ee sanadihii dambe garoonka Aadan Cadde ka howlgeli jiray ay fuli jireen danaha gaar ah ee madaxweynihii hore Farmaajo.

“Ciidanka NISA ee garoonka ku sugnaa sanadahan danbe, waxaa garoonka u taalay isbaaro lagu cadaadiyo ama ay ka afduubtaan dadka Farmaajo ka aragtida duwan ee safraya, mararka qaarkood waxay xannibi jireen socdaalkooda!,” ayuu Axmed Macalin Fiqi ku yiri qoraal uu soo saaray.

Fiqi ayaa sheegay in ciidanka lagu amray inay ka baxaan garoonka ay horay u afduubteen dad u safri lahaa gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Jubbaland, intii ay cunaqabateynta dowladda dhexe saarneyd deegaanada maamulkaas.

‘Waxay horay u afduubteen mas’uuliyiin u socdaalayey Kismaayo ama gobolka Gedo, qaar xildhibaanno qaran ku jiraan ayay ka reebeen safar ay u socdeen, waxay cagajugleyn ku hayeen ciidamada Booliiska iyo shaqaalaha garoonka, waxaa la xusuustaa xadgudubkii ay kula kaceen saraakiisha iyo shaqaalaha hey’adda socdaalka iyo burburintii ay u geysteen qalabkii garoonka oo aan waxba laga qaban,” ayuu yiri Fiqi.

Ugu dambeyntii Axmed Macalin Fiqi oo wasiirka amniga XFS ku bogaadiyey go’aanka Nabad sugidda looga saarayo garoonka ayaa qiray in ciidan ka shaqeeya sirdoonka looga baahan yahay garoonka Aadan Cadde, balse kuwa hadda jooga ay muhiim tahay in la bedelo oo la keeno ciidan shaqadaas u daacad ah.

“Talaabada uu qaaday wasiirka Amnigu waxay mudan tahay bogaadin iyo soo dhowayn, waana mid meesha ka saaraysa ciidamo u shaqeeya sida hangashtii kacaanka! NISA kaalin dhanka sirdoonka ah waa ku leedahay garoonka, balse waa in xirfadlayaashii hawshaas qaban lahaa oo nadiif ah loo soo xulaa,” ayuu yiri Axmed Fiqi wasiirkii hore ee amniga Galmudug.

Amarkii xalay wasiirka amniga XFS ee ku socday Yaasiin Farey oo looga dalbaday inuu ciidanka dharcadda ah ee NISA ka soo saaro garoonka ayuu waqtigiisu ku ekaa maanta, balse ilaa hadda ma jiraan wax cadeynaya inuu fulay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii