Sawirro: Maxuu Rooble caawa kala hadlay madax goboleedyada taabacsan Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay madaxda seddaxda maamul goboleed ee taabacsan dowladda federaalka, gaar ahaana lagu xagliyo inay daacad u yihiin madaxweynihii hore Farmaajo.

Sida uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Rooble ayaa la kulmay hoggaamiyaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, isagoo kala hadlay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleesyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho. Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa soo gaaray Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa habeen ka hor sidaan oo kale ula kulmay hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland oo hotelka ay Muqdisho ka degan yihiin uu ugu tegay, isagoo kala hadlay qabsoomidda shirkii uu iclaamiyey todobaad ka hor.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa hadda u muuqda inay ku kala qeyb sameen danaha siyaasadeed ee dalka, waxaana laga war sugayaa go’aanada ay ku gaari doonaan shirkaan lagu wado inuu Muqdisho uga furmo.

Horay waxaa shirkaan u diiday oo mid Farmaajo ka gees iclaamiyey taageeray hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo markii dambe ka shalaayey go’aankaas, kadib markii cadaadis iyo waji gabax uu kala kulmay dalalka caawiya Soomaaliya oo Mareykanku ugu horeeyo.

Haatan waxaa Muqdisho ku sugan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, waxayna ka qeyb geli doonaan shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo uu meesha ka baxay shirkii Farmaajo iclaamiyey oo markii horaba carqaladeyn loo arkaayey.