Shirka oo maanta furmaya kadib heshiis uu Rooble la gaaray 3 madax goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xalay is-faham la gaaray saddex madaxweyne goboleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay la kulmay hoggaamiyayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo kala hadlay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta.

Kulankii xalay ayaa ujeedkiisu ahaa in Rooble uu ku xaqiijiyo ka qeyb-galka Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ee shirka maanta, ayada oo uu jiray shaki ku aadan arrintaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in is-faham lagu gaaray shirka, islamarkaana saddexdan madaxweyne goboleed ee taabacsan Farmaajo ay ballan-qaadeen inay iman doonaan shirka maanta.

Shirka xalay ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble habeen hore la kulmay. Balse, labadan madaxweyne goboleed ayaan marnaba shaki ku jirin ka qeyb-galkooda shirka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ahaa kan kaliya ee si rasmi ah horey ugu diiday shirkan, inkasta oo uu aqbalay markii dambe kadib markii ay cadaadis xooggaan saareen Mareykanka.

Si kastaba, rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmaya ayaa ah mid yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagai doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo madaxweynihii hore.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii