Sawirro: DF oo faah-faahisay waxyaabihii yaabka lahaa ee lagu arkay xeebta LIIDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa shalay subax lagu arkay Xumbo ama Xoor ay baddu soo tuftay, taas oo ilaa hadda aan la garan waxa sababay ama ay ka dhalatay.

Weli ma jirto cid baaritaan ku ogaatay oo bulshada la wadaagtay, waxa sababay in baddu xumbo tufto.

Hasa yeeshee Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa wax laga weydiiyey arrintaan, isagoo tilmaamay in qatar caafimaad ay ka dhalan karto.

Agaasimaha ayaa sheegay in xumbo badeedka ay keento isbeddalka cimillada iyo saliidda ay iska bedelaan doomaha, taas oo lagu daadiyo gudaha badda.

Sidoo kale Agaasime Maxamuud Sheekh waxa uu sheegay in qashinka lagu shubo badda uu isna sababo in biyuhu xumbeeyaan, taas oo badanaa dhalisa qataro caafimaad leh oo saameeya bulshada deegaanka.

Sawirro laga soo qaaday xumbadaas oo xeebta Liido aad ugu soo caarisay ayaa maanta lagu baahiyay baraha bulshada, laakiin ilaa hadda ma jirto cid si dhab ah u baartay waxa ay ka dhalatay oo warbixin ka soo saartay.