26 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Daawo: Guddiga doorashada DF oo go’aan culus ka gaaray in dadka lasoo khasbo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga-Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta kor meeray qaar ka mid ah xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir, isagoo howlwadeennada siiyey amar culus.

Guddoomiyaha ayaa howlwadeennada xarumaha diiwaangelinta faray in aan la diiwaangelinin qof sheeganaya in uu qasab ku yimid goobta, si buu yiri loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo u kuurgalay diiwaan gelin ka socotay degnooyinka Hodan, Howl-Wadaag, iyo Kaaraan ayaa la kulmay cabasho dadweyne oo xoog leh, sida goobjoogayaal ay u sheegeen Caasimada Online.

Muddo bil ah ayaa lagu daray sii socoshada diiwaan-gelinta dadweynaha sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Guddiga Cabdifitaax Feysal Xuseen oo shir jaraa’id qabtay markii uu kormeerka guddoomiyaha soo dhamaaday.

Ururrada siyaasadda ayaa codsaday muddo kordhintaan cusub ee loo sameeyey diiwan-gelinta codbixiyaasha, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay guddiga doorashooyinka.

“Lama aqbalayo in lagu qasbo muwaanka inuu is diiwaan geliyo, sida ku cad qodobka 3-aad ee sharciga doorashooyinka, guddoomiyuhu wuxuu amray in aan la diiwaan-gelin qof sheeganaya in lasoo qasbay,” ayuu yiri Afhayeenka guddiga.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa shaqaalaha diiwaan-gelinta doorashada kula dardaarmay inay dardargeliyaan howlaha diiwaan-gelinta iyo adkeynta xorriyadda diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ku dhiirigeliyey in si xor ah isku diiwaangeliyaan, si ay u dhiibtaan codkooda oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News