26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Daawo: Guddiga doorashada oo ka hortagay arrin fadeexo ku ah diiwaan-gelinta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta diiwaangelinta dadweynaha ee ka socota Muqdisho iyo qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka, waxaana guddiga uu ka hortegay arrin fadeexo ku ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay dhacaan.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka qaranka, Cabdifitaax Faysal Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Hodan ayaa sheegay in la arkay dad isku dayay inay isdiiwaangeliyaan laba mar, balse uu ka hortegay guddiga, iyada oo lagu ogaaday systemka shaqada.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa tilmaamay in dadkaasi laga qaadi doono tallaabo adag, ayna u gudbin doonaan hay’adaha ay quseyso, gaar ahaan bahda garsoorka dalka.

“Waxaa jira dad uu soo qabtay systemka oo isku dayay inay isdiiwaangeliyaan in ka badan hal mar, waxa aan soo bandhigi doonaa liiska oo dhammeystiran marka ay noo gabagabowdo howshaan, waxaana la wadaagi doonaa cidda ay quseyso” ayuu yiri C/Fitaax.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Muwaadiniinta iska diiwaangelinaya degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamul-goboleedyada dalka qaybihiisa kala duwan waxaan fareynaa inay ka feejignaadaan inay isku dayaan inay isdiiwaangeliyaan in ka badan hal mar”.

Faysal ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in shaacabka Soomaaliyeed aan lagu qasbi karin diiwaangelinta, isaga oo farriin u diray dadweynaha, si ay ula soo xariiraan guddiga

“Haddii ay jiraan tabashooyin waxa jira lambar gaaban oo ah 558 oo aad nagala soo xiriiri karto, cid walba oo isku deyda inay dadweynaha juujuubto ama si uun u qasabta dabcan waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga” ayuu mar kale yiri afhayeenka.

Diiwaangelinta ayaa weli kasii socota degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada dalka, waxaana ugu dambeyay shalay oo ay ka bilaabatay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Waxaa horay uga sii horreeyay magaalooyinka Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo goor sii hore bilaabay diiwangelinta, maadaama ay taageersan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaan arrintan diidan maamullada Jubaland iyo Puntland oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda federaalka, kuwaas oo kasoo horjeedo, sida ay wax u socdaan, gaar ahaan hannaanka ay dowladda u wajaheyso doorashooyinka 2026.

- Advertisement -

Read more

Local News