26.6 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Daawo: Guddoomiye Muuse oo si adag u hadlay – Hiiraan ma waxay ku biireysaa Itoobiya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ay ugu xiisa badnaayeen sida uu u arko xilka qaadista Sanbaloolshe, hadalkii ka soo yeeray qaar kamid ah dadka siyaasadda ku jira ee beesha Xawaadle oo sheegay in reer Hiiraan ay ku biirayaan Itoobiya, dagaalka Al-Shabaab iyo jaha wareerka ka taagan gobolkaas.

Ugu horeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hiiraan ay ka tirsan tahay HirShabeelle, isagoo aad u dhaliilay xubno siyaasiyiin ah oo horboodaya dadka reer Hiiraan, kuwaas oo ka faa’iideysta mar kasta oo xil ka qaadis lagu sameeyo masuul ka soo jeeda beesha Xawaadle.

“Sambaloolshe waan sagootineynaa, Mahad Salaad-na waqti ku haboon ayuu yimid, Ethiopia kama tirsanin derisnimo oo kaliya ayaa reer Hiiraan kala dhaxaysa, haka waan-toobaan dadka warka kale wada” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Maalmihii lasoo dhaafay wixii ka dambeeyey markii xilka laga qaaday Agaasimaha NISA Sanbaloolshe, waxaa soo baxay warar hoose oo siyaasiyiinta beesha Xawaadle qaarkood ay wadeen, kuwaas oo sheegayey in reer Hiiraan ay ku biirayaan Itoobiya.

“Hiiraan waxay ka tirsan tahay HirShabeelle, waxayna hoos tagaan Qaranka Soomaaliyeed, walaalayaal maalin kasta markii qof reer Hiiraan ah ama beesha Xawaadle u dhashay xilka laga qaado, ma ahan in falcelin qaldan la sameeyo, fadlan ixtiraama Soomaalinimada iyo waxa la isku yahay, in Sanbaloolshe xilka laga qaado waqtigaa keenay,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay kaalin lixaad leh ka qaadaneyso dagaalka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, isla markaana madaxda qaranka ay xaq u leeyihiin in qofka ay doonaan ay xilka u magacaabaan.

“Taliye Mahad Salaad wuxuu ku soo aaday waqti loo baahnaa, waxaa soo dhaweyneynaa, waxaana ka rajeyneynaa in dagaalka uu nagu garab siiyo oo shaqada uu ka sii wado halkii uu soo gaarsiiyey taliyihii hore,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse.

Hoos ka daawo

 

- Advertisement -

Read more

Local News