Daawo: Guddoomiyihii ciyaaraha Waaberi oo lagu hor dilay caruurtiisa + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dbeeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo gaystay guddoomiyihii ciyaaraha degmada Waaberi, marxuum Mahad Maxamuud Boorow.

Marxuumka ayaa waxa falkan u gaystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo ay shalay ku murmeen ciyaar ka socotay gudaha xarunta degmada, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Muranka ayaa yimid kadib markii marxuumka uu ka kiciyay askariga oo fadhiyay qaybta VIP ee garoonka degmada, taasina uu ka carooday askariga oo mar dambe qoray usoo qaatay guddoomiyaha Sportiga Waaberi, kuna weeraray hoygiisa, isaga oo maanta u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaastii lagu furay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askarigii gaystay falkan oo isku dayay inuu baxsado ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mahad Boorow lagu dhex dilay carruurtiisa iyo xaaskiisa, taasina ay tahay ayaan darro wayn.

“Walaalkey ilmihiisa iyo xaaskiisa ayaa lagu hor dilay xushmad ma jirto meeshan” ayuu yiri marxuumka walaalkiis.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya oo uu ka codsaday in tallaabo adag ay ka qaado eedeysanaha, si loola aaso marxuumka oo hadda la geliyay Firinjeer.

“Annaga cadaalad ayaan rabnaa walaalkey ma aaseyno, illaa ninkaas xaqeena nalooga soo dhiciyo” ayuu mar kale yiri.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falal argagax leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ay saameyn ku yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha caasimada.

Hoos ka daawo