Daawo: Heshiiska uu Cali Guudlaawe la galay beesha Xawaadle oo la sheegay in aanu aheyn sida loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Caaqil Muumin Gariig oo la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii shalay la shaaciyay inay wada gareen Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Beesha Xawaadle.

Caaqilka ayaa sheegay in Odayaasha heshiiska la galay Cali Guudlaawe ay yihiin kuwa hore u taageersanaa oo uu shalay la kulmay, hase yeeshe aysan aheyn kuwii tabashada ka qabay maamulkiisa.

“Qofka marka uu mas’uul yahay waa laga fiican yahay in uu xoog adeegsado oo meel ku tago, xoogna meel fog tagi maayo, shalay waxaa maqlayay Odayaal inta la xareeyay kuwii taageerayaasha ahaana la reebtay, markaa kuwii laga reebtay iyaga ayaa war laga rabaa,” ayuu yiri.

“Awood ayaa ku sheeganaya ma shaqeynayso taas ogaada, Nin rag ah gadaashada lagama dayo ee garabkaga laga daya. Dadkana waxaa u hormaray dad jaahiliin ah ee ha iska qabtaan.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in uu rabo in xiisada taagan si daah-furan loo wada-hadlo, oo aysan dhibaato dhicin, islamarkaana aan awood la isku maquunin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in doorashooyinka ka socda dalka ay noqdaan kuwa musharaxiinta lagu dooranayo waxqabad, oo aan lagu soo saareyn laalush, sida inta badan ka dhacday doorashooyinka.

“Hala tashto oo Soomaalinimo ha la muujiyo oo dagaalada ha la joojiyo oo ha la wada-hadalo, hala wada-heshiiyo ma dooneyno dagaal iyo bur, qofkii la qaban waayana ha la yiraahdo qofkaas qabta.”

Hadalka Caaqil Muumin ayaa imanaya xilli ay shalay madaxtooyada HirShabelle shaacisay inay heshiiyeen Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle iyo madaxweyne Guudlaawe oo in ka badan sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladaas.

“Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen Dowladda, iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada HirShabelle.