DAAWO: Hogaamiyaha Jubbaland oo Kismaayo isugu keenaya Dowlada dhexe & Maamul goboleedyada & Go’aankiisa Khilaafka Carabta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay inuu gogol ufidinayo dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada isku khilaafay Arinta Carabta.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in gogoshan Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada dhexe, ay kaga wada hadlayaan sidii loo dhamayn lahaa muranka taagan isla markana go’aan midaysan oo ay ku dhan yihiin Dowlad Goboleedyadu ay ula tagi lahayeen Dowlada Federaalka ah.

Waxaa uu sheegay in lagama maar maan ay tahay in talada guud looga danbeeyo Dowlada dhexe balse taas badalkeeda looga baahan yahay Dowlada Federaalka ah in waxyaabaha masiiriga ah ay la tashi ka samayso isla markaana ay ixtiraam u muujiso Dowlad Goboleedyada.

HOOS KA DAAWO KHUDBADDA OO FULL AH

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=Jwtdu5mCObk]

Mar uu ka hadlayay khilaafka Wadamada Khaliijka ayuu Axmed Madoobe  sheegay in ay yihiin dad walaalo ah oo barri heshiinaya balse loo baahan yahay in wixii iyaga ka dhexeeya aan lagu kala qaybsamin oo aragti loo dhan yahay lagu eego marka soomaaliya laga hadlayo.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay in Baraha Xiriirka Bulshada  ay  wax badan oo siyaasada dalka ah ay uga sii darayaan isagoo Bulshada ku booriyay in la isku tanaasulo oo midnimada laga shaqeeyo.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ay xariirka ujareen Qatar, halka dowlada dhexe ay ku adkeysatay go’aankeedii dhex-dhexaadnimada ahaa.