Howlgal nooc cusub ah oo ka bilaabanaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday isbitaallada ku yaalla Muqdisho, isaga oo si weyn u dhaliilay, sida ay u shaqeeyaan qaar kamid ah goobaha caafimaadka.

Yabooh ayaa shaaciyay inay jiraan isbitaallo lagu baabi’iyo shacabka, isla-markaana ay ka shaqeeyaan dhaqaatiir aan qibrad u laheyn howlaha caafimaadka ee ay ka shaqeynayaan.

“Dalkeenna waxaa baabi’iyay dad aan dhaqaatiir aheyn, waxaa baabi’iyay dad aan aqoon u laheyn waxa ay ka shaqeynayaan, waxaa baabi’iyay daawo aan sax aheyn oo sidii la raba in dalka loo soo geliyo dadka lagu baabi’inaayo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka gobolka uu bilaabi doonto howlgal nooc cusub ah oo lagu beegsan doono dadkaasi, gaar ahaan dhaqaatiirta aan taqasusiga aheyn ee ka shaqeysa caasimada iyo dadka ka shaqeeya farmashiyeyaasha lagu iibiyo daawooyinka.

“Gobolka Banaadir sidaad ogtihiin waayihii lasoo dhaafay wuxuu ka shaqeynayay daroogada inuu la dagaalamo. Wuxuu ka shaqeynayaa oo hadda soo socota isbitaallada inuu koontaroolo iyo farmashiyeyaasha daawooyinka yaalla isbitaallada, dadka gadaaya iyo dhaqaatiirta ka shaqeeya waa kusoo soconaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yabooh.

Dhanka kale, waxa uu digniin u diray shaqsiyaadka ku howlan arrintaan, isaga oo ku ugu baaqay inay ka digtoonaadaan dhibaateynta dadka shacabka ah/

“Mar kale waxaan leeyahay haka digtoonaadee isbitaallada iyo farmashiyeyaasha iyo meel kasta oo ay caafimaad u tegaan dadka waa inuu adeegga ay bixinayana uu noqdo adeeg sax ah, hadii ay noqoto dadka shaqeynaaya iyo haddii ay tahay daawac” ayuu markale yiri.

Gobolka Banaadir ayaa horay howlgal lagula dagaalamayo, maadooriyaha, ciyaal-weerada iyo burcadda hubeysan uga sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.