Daawo: Imaamka Saleebaan oo u jawaabay Buurmadow, digniin culusna siiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam Cumar Macalin Abshir, oo ah Imaamka beesha Saleebaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow, kaasi oo ku aadana dhaqaalaha uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u fasaxay Somaliland.

Boqor Buurmadow oo wareysi siiyey Telefishinka Horn Cable ayaa dhigasho ku tilmaamay in Rooble uu fasaxo lacag ay hore u xanibtay dowladda federaalka, taasi oo markii hore uga timid deeq bixiyayaasha.

“Maanta dowladda Soomaaliya waxaan ka sugeynay iyo ra’iisul wasaaruhu inay ku dhowaaqaan dhaqaale walaaltinimo oo iyagu ina taraan, laakiin waxaan u aragnaa in digashooyin iyo meel ka dhac ku tahay dhaqaalaha ay xanibeen inay maaanta ka dhigaan wax ay ina siinayaan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Boqor Cusmaan Aw Maxamuud

Haddaba, Imaam Cumar Macalin oo daba socda hadalka Boqor Buurmadow ayaa sheegay in hadalkaas ka qaban Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana ay tahay in uu raali-gelin ka bixiyo gefkaas.

“Kugu tiigan meyno ee waxaa ku leenahay raali-gelin ka bixin, nagama kaa qabato oo Ra’iisul Wasaarahana kama qabato. Bini’aadamku wuu qaldama oo uu gafaa ee waxa ku soo jeedinayna raali-gelin in aad bixiso oo maanta kadib aad lasoo aadin carabkaaga leexan oo qaldan Muqdisho iyo Rooble,” ayuu yiri Imaam Cumar Macalin Abshir.

Wuxuu uga digay in uu siyaasadeeyo gurmadka dhibaatada ka dhacday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, isaga Rooble iyo xukuumadiisana ku amaanay kaalinta ay ka qaadatay gurmadka masiibadaas.

“Waa ka hambalyeeynaya oo ka mahad-celinayna Ra’iisul Wasaare Rooble shirkii deg-dega ahaa ee uu shalay qabtay, ee lacagta loogu yaboohay. Waxaa leenahay gurmadka ha la kordhiyo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka tacsiyadeeyay dhibaatada ka dhacday suuqa Waaheen ee Hargeysa, isaga oo sheegayna inay la qeybsanayaan xanuunkaas dadka reer Hargeysa, oo Ilaahay ugu baryay kabasho deg deg ah iyo badal kheyr leh.