Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta doorashada qof iyo codka ah ee haatan la qorsheynayo inay ka dhacdo dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Cali oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay go’aan la xiriira goorta ay bilaabanayaan doorashooyinka tooska ah oo ay weli isku hayaan madaxda dowladda iyo mucaaradka dalka.
Cabdikariin ayaa ku dhawaaqay jadwal cusub, maadaama uu dhaqan-geli waayay kii hore, isaga oo sheegay in dhammaadka bisha soo socota ee Novembar ee sannadkan 2025-ka la qaban doono doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir oo noqon doonto qof iyo cod, si dadka Muqdisho deggan ay usoo doortaan hoggaankooda.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay u diyaar-garoobaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorashooyinka ka dhacaya dalka.
“30 Bisha Novembar qof kasta oo ku nool Muqdisho waa inuu isku diyaarayaa sidii uu u coddeyn lahaa Doorashada qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Waxaa kale oo xaqiijiyay in guul wayn ay ka gaareen ololihii diiwaangelinta, maadaama Muqdisho oo kaliya ay iska diiwaangeliyeen dad ku dhow 1 milyan oo qof oo ka qayb-galaya doorashooyinka dhawaan dhacaya.
Dhanka kale wuxuu ururada siyaasadda ee isdiiwaangeliyay ugu baaqay in ay soo dhamneystiraan shuruudaha sharci ahaanshiyahooda, ayna soo gudbiyaan Summadooda rasmiga ah.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horay qorshuhu u ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishaan October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaangelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa weli dadaal xooggan ka gelineysa hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaase weli bannaanka ka jooga oo diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta.

