Waajid (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wasiirka ayaa ciidamo badan oo ilaaliya la tegay degmadaasi, waxaana kadib uu bilaabay dhaq-dhaqaaqyo iyo inuu la kulmo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Qaar kamid ah shacabka degmada Waajid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin soo dhaweynta Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ah nin saameyn wayn ku leh deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Jaamac oo isaguna warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in halkaasi uu u tegay qorshe la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan ololaha is-diiwaangelinta ee haatan ka socda deegaanno kamid ah Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Aniga iyo wafdigeyga maanta waxaan soo gaarnay degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ka daah furi doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha Degmada. Waxaa guud ahaan dalka ka socda olole ballaaran oo lagu xaqiijinayo in muwaadin kasta uu helo fursad uu codkiisa ku dhiibto iyada oo degmada Waajid-na ay qeyb ka noqon doonto goobaha muhiimka ah ee laga diiwaan gelinayo codbixiyeyaasha” ayuu yiri wasiirku.
Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxaan halkan mahad ballaaran ugu soo jeedinayaa Maamulka Degmada ee uu hogaamiyo Gudoomiye Maxmamed Macalin Yuusuf iyo Shacabka Degamada soo dhoweynta sharafta badan ee ay moo sameeyeen. Sidoo kale waxaan u mahad celinaayaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen in shacabka Soomaaliyeed oo dhan la siiyo fursad loo siman yahay”.
Ninkan oo ay horay aad isugu hayeen Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sidoo kale la tilmaamayaa inuu yahay musharax u socda Koonfur Galbeed oo doorasho galeysa, waxaana safarkiisa uu noqday mid isha lagu hayo, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale kamid ah Xukuumadda Dan-Qaran oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan, waana saaxib ku dhow Villa Somali, sidoo kalena saameyn weyn ku leh siyaasadda.
Ma cadda waxyaabaha laga filan karo dhanka Koonfur Galbeed oo iyadu dhawaan Baydhaba ka celisay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo rabay in xisbigiisa uu xarun uga furo magaaladaasi, maadaama la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo ay kula heshiiyeen Villa Somalia.
Si kastaba, Xaaladda Koonfur Galbeed ayaa muuqata mid ka dareysa, maadaama la galayo marxalad adag oo tartan ah, loona diyaar garoobayo doorashada hoggaanka maamulkaasi oo loo qorsheeyay inuu isbeddel ka dhaco, sida ay ku warramayaan falanqeeyeyaashu.

