Waajid (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo shalay gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa qaaday tallaabo si weyn loogu boggaadiyay, kadib markii uu maanta iska diiwaangeliyay degmadaas oo ah deegaan doorashadiisa rasmiga ah.
Jaamac oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa Waajid u tegay inuu qayb ka noqdo ololaha is-diiwaangelinta dadweynaha oo maanta si rasmi ah uga bilowday magaaladaas oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in ku dhawaad 60 sano kadib ay Waajid safka hore ka gasho doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo fursaddaas uga mahadceliyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinnka.
“Maanta ilaahey waxa uu nasiibkeenna ka dhigay 60 sano ku dhawaad kadib in aan degmadaan Waajid aan u imaano inaan iska diiwaangelinno guddiga doorashooyinka aad ayuu u mahadsan yahay inuu soo gaarsiiyay fursadan deegaankan” ayuu yiri wasiirku.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Anigu waxaan kamid ahay codbixyeyaasha meeshaan ka qaadan doono kaararka, farxad wayn ayayna ii tahay Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto waxaan leeyahay halaga qayb qaato in taariikhda qayb laga noqdo”.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda kale uu uga duwan yahay in uu isagu kaarka cod-bixinta ka qaatay deegaan doorashadiisa rasmiga ah, halka wasiirrada iyo madaxda kale ay iska diiwaangeliyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
“Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirrada qaar haddii ay Muqdisho iska diiwaangeliyeen anigu deegaanka aan u dhashay ayaan iska diiwaangeliyey” ayuu mar kale yiri.
Jaamac ayaa si weyn loogu boggaadiyay tallaabadan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed.
Muna Diirshe: “Maashaa Allaah wasiir taariikh cajiib ah iyo Waajid maanta, yaa ku dayda wasiir Abdulkadir Mohamed Nur oo intaan geeya deegaankiisa?”.
Cabdinaasir Filibiin: “Wasiir Jaamac wuxuu sameeyay taariikh cusub reer Waajid guul baan u rajeynayaa”.
Farxaan Axmed: “Wasiir deegaankiisa wax u qabtay nabad Allah, Mudane guuleyso”
Si kastaba, Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo 30-ka bisha Novermber lagu wado in Muqdisho ay ka bilaabato doorashada golaha deegaanka oo noqoneyso qof iyo cod.

