Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Cismaan Jurille ayaa si cajiib ah oo maskax iyo xikmad ku jirto uga hadlay muranka ka taagan gobolka Mudug ee maamulka Puntland uu billaabay kadib markii lagu dhowaaqay in maamul loo dhisayo gobollada Gal-Gaduud iyo Mudug.
Jurille waxa uu sheegay in xaqiiqda ay tahay in 5-ta degmo ee gobolka Mudug ay laba ka mid ah (Hobyo iyo Xarar-dheere) xigaan dhinaca Koonfur, halka labana ay maamusho Puntland (Goldogob iyo Jariiban), ayada oo magaalada Gaalkacyo-ana loo degan yahay qeyb iyo qeyb.
“Puntland dastuurkeeda kuma qoran waqooyiga Mudug ee waxaa ugu qoran Mudug, sidaa darted haddii dadka gobollada dhexe ayagana ay ku qortaan Gobolka Mudug xaq bey u lee yihiin, lagumana qasbi karo inay ku qoraan Koonfurta Mudug, sababta oo ah Punlanad- ayadaba cid kuma qasbin inay qoroto Mudug” ayuu yiri Jurille.
Waxa uu intaas ku daray in xiisadda ka taagan arrintaas ay tahay mid la abuuray oo xaqiiqda jirta iska indha tireysa, islamarkaana aysan jirin cid gobolka Mudug degta oo loo diidi kara inay sheegato, balse ay iminka ka shaqeynayaan sidii arrinta xal loogu dhameyn lahaa.
Halkan hosoe ka daawo Jurille