Daawo: Kheyre oo weerarkii ugu xumaa ku qaaday Xasan, shaaciyey arrimo xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa qabtay shir jaraaโ€™id oo xasaasi ah oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo mid mid u dul istaagay dhowr qodob oo uu ku dhaliilay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha uu taabtay waxaa kamid ah: dastuurka, khilaafka dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, dhul-boobka ama ka barakicinta bulshada ee dhulka danta guud ee Muqdisho, niyad-jabka bulshada, hoos u dhaca deeq bixiyeyaasha caalamka, dirirta ciidamada qaranka dhexdooda ah, weerarrada Khawaarijta ee caasimadda ku soo dhowaanaya iyo qodobo kale.

โ€œDal waxaan joognaa Dastuur uu ka yahay raโ€™yiga Madaxweyne Xasan Sheekh, wax kasta oo ay Soomaalidu ku heshiisayna waa la laalay. Waxaa si indho laโ€™aan ah loo boobay hantidii Qaranka, rajadii shacabka Soomaaliyeedna waxay noqotay rajo-beel. Ciidankii Qarankana dhufeysyo ayey iskaga jiraan Gedo ilaa Muqdisho,โ€ ayuu yiri Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in aysan fiirin karin hooyo Soomaaliyeed oo, sida uu hadalka u dhigay, Xasan Sheekh uu gurigeeda ka barakicinayo, iyadoo dhulkii danta guud suuqa madow lagu xaraashayo oo laga saaray diiwaanka hantida Qaranka.

โ€œMeelaha qaar waxaa ka dhacaysa in la boobayo dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo loo adeegsanayo awoodda dowladda si xoog ah,โ€ ayuu yiri Kheyre.

Markii uu ka hadlay dagaalka Khawaarijta, wuxuu sheegay in bulshada Soomaaliyeed aysan daawan karin iyadoo ay Shabaab dib u qabsanayaan dhul lagu waayey halyeeyo iyo saraakiil Soomaaliyeed.

โ€œNasiib-darro, dowladdii dalka xoreyn lahayd ayaa ku mashquulsan inay dhulkii danta guud kala wareegto shacab tabaaleysan, kuwaas oo u badan qoysaska wiilasha ciidamada qaranka ee furimaha ku sugan. Anigu waxaan ku kalsoonahay, waana garab taaganahay ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga Khawaarijta,โ€ ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, Raโ€™iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka damqanayaan in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed oo lagu weeraro deegaano nabdoon oo cadow aan ka jirin, si loogu gaaro dano gaar ah.

โ€œGanacsatadii Soomaaliyeed waxay dalka kala baxayaan hantidooda, iyagoo u wareegaya wadamo kale, maadaama ay ka niyad-jabeen dalkooda. Qoysas badan ayaa ka guuraya dalka, dhalinyartii Soomaaliyeedna waxay u tahriibayaan, naftoodana ku biimeynayaan badaha adduunka,โ€ ayuu yiri Kheyre.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News