26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: Khudbadii uu Kenyatta uga hadlay go’aanka Maxkamada Sare ay ku laashay Natiijada Doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu fikir ahaan ka soo horjeedo go’aanka maxkamada sare ee dalka ay ku baabi’isay guushii uu ka gaaray doorashadii Augusto.

Madaxweyne Uhurro Kenyatta waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono go’aanka Maxkamada Sare, iyadoo uu ka duulaayo xeerka Qaranka.

“Maxkamadda go’aan ay gaartay fikir ahaan ma taageersani , laakin waan xushmeynayaa” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo jawaab celinayay go’aankii lagu laalay guushiisii doorashada.

Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu diyaar u yahay Doorasho ku celis ah oo dalka ka dhacda isagoo dhanka Mucaaradka ugu baaqay in ay diyaar garoobaan, oo markale aysan andacoon.

Maxkamada sare marnaba ma aysan eedeynin Uhuru Kenyatta iyo xitaa kooxdiisii olalaha doorashada, laakiin waxaa ay sheegtay in guddiga doorashada aysan u dhaqmin si waafaqsan xeerarka doorasho ee dalka u degsan.

- Advertisement -

Read more

Local News