Daawo: Kiiska Haweenay sheegtay ‘inay kufsadeen Booliska’ oo weji cusub yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay warbixin cusub oo la xiriirta kiiska Haweenay horey u sheegtay inay kufsadeen ciidamo ka tirsan Booliska, xilli ay xabsi ku jirtay, oo loo haystay fal dil ah.

Haweenaydan ayaa waxay hore u sheegtay inay falka kufsiga ah ee kula kaceen ciidamada Booliska ay ku qaaday uur, ayna ku dhashay wiil, taasi oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay, kadib warbixintan uu kasoo saaray kiiskan.

Afhayeenka Ciidamada Booliska oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in guddi loo saaray sheegashada haweenaydan oo lagu magacaabo Xaliimo Cabdullaahi Aadan ay soo baxday inay waxba kama jiraan tahay, kadib markii la ogaaday in wiilka ay sheegtay inay ku dhashay kufsiga lagula kacay ay kasoo kaxeysatay xarun barkacayaal oo ku taal Muqdisho.

“Guddigu waxa uu si qoto dheer u baadhay cabashada eedeysane Xaliimo taasi oo socotay 93 cisho, waxay guddiga wareystay oo si qoto dheer u baareen illa 33 qof oo 31 kamid ahaayeen xubnaha ciidamada Booliska ee falkaasi lagu eedeyay iyo saraakiishii ku shaqada laheyd, iyo laba qof oo kale oo ahaa Xaliimo iyo Nabadoonkeedii,” ayuu yiri,

Inkasta oo la caddeeyay inay Xaliimo uur leedahay, sida uu ka dhawaajiyay Afhayeenka haddana waxa uu sheegay in wiilka ay soo bandhigtay ee Saabir Yare aanay dhalin, lana ogaaday inay kasoo wadatay xeryaha Weydoow ee gobolka Banaadir.

“Waxay jawaabta dheecaanadu noqotay ee laga Xaliimo iyo Saabir Yare, waxaa cadaatay in Xaliimo aysan aheyn hooyada dhashay Saabir Yare, kaas oo sida xafiiska xeer ilaalinta hortiisa ka sheegtay inay kasoo wadatay xeryaha barakacayaasha Weydoow ee gobolka Banaadir.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dheecaanada DNA-ga laga qaaday shantii eedeysane ee lagu tuhmayay kufsiga iyo wiilka ay sheegtay Xaliimo inay ku dhashay uurkii ay ku qaaday CID-da, iyada oo jawaabta dheecaanadaasi ay noqotay in xubnaha Booliska aysan jirin wax xiriir waalidnimo ah oo ka dhaxeeya wiilkaas.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay afhayeenka in wiilkii Saabir Yare la dilay, ayna ku lug yeelatay hooyada dhashay Xaliimo oo lagu magacaabo Safiyo Cabdi Cabdiraxmaan, taasi oo ah kiis kale oo xasaasi ah, waxaana hadda loo haystaa Xaliimo iyo Hooyadeed laba kiis oo dil ah iyo marin habaabinta cadaalada, sida uu sheegay.

Si kastaba, Xaliimo ayaa bishii Janaayo waxay baraha bulshada ku baahisay inay kufsadeen ciidamadii gacanta ku hayey, taasi oo dhalisay hadal hayn badan oo keentay in loo saaro kiiskan guddi gaar ah si qoto dheer u baara, kaas oo ugu dambeyn natiijada kasoo baxday uu Booliska la wadaagay bulshada.