Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga kiiska qalabkii milatari ee lagu qabtay dekedda iyo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Maxkamadda ayaa waxaa markii ugu horreysay la horkeenay eedeysanayaal loo haysto agab milatari oo lagu qabtay dekeda Muqdisho, kuwaasi oo loo waday kooxda Al-Shabaab, sida ay hore u shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ganacsatada loo haysto qalabkaan inay kasoo dejiyeen dekedda Muqdisho iyo darawaliinta gaadiid xamuul ah oo loo sii diyaariyay daabulistooda ayaa kasoo hor muuqday fadhigii maanta ee maxkamadda.
Saddexda nin ee ganacsatada ayaa ku dooday in aysan ka warqabin in alaabtan loo waday Al-Shabaab, inkasta oo cadeymaha ay sidaas muujinayaan. Qalabkaan ayaa la rabay in la gaarsiiyo deegaanada kooxda Al-Shabaab ka taliso ee xilligaan ku sugan tahay.
Sidoo kale waxay sheegeen in qalabkaan milatari ee halista ku ah amniga aysan wax lug ah ku lahayn, islamarkaana loogu soo dhex qariyay Konteenarka lagu soo qaaday badeecaddooda ee ku qornaayeen.
Qalabkaan ayaa ah mid casri ah oo lagu fulin karo howl-gallo qorsheysan xilliyada habeenkii la sameeyo, sida uu fadhiga maxkamadda ka hor sheegay dembi baare ka tirsan hay’adda NISA.
Dembi baarahan ayaa sheegay haddii qalabkaan uu gacanta u gali lahaa kooxda Al-Shabaab in ay ka dhalan lahayd halis amni oo aad u wayn, xilli uu dalkana ka socdo dagaal kooxda Al-Shabaab ka dha ah.
Xeer-ilaaliye ku-xigeenka maxkamadda ciidamada oo sidoo kale isagna ka hadlay fadhigii maanta ayaa maxkamada ka codsaday inay ciqaab adag ku riddo eedaysanayaasha loo haysto arrintaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhigii maanta ee dhageysiga dacwadaan ayaa sheegay in ay maxkamadda sii wadeyso dhageysiga kiiskaan inta laga gaarayo gun-gaarkiisa, ayna markaas xukun kasoo saari doonto.
Marka laga imaado fadhiga maxkamadda, sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka Al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya.
Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaaliya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya kadib markii dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenar qalab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya.
Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baaritaan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qalabka ku jiray konteenarka. Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamadayn doonaa gudaha Kenya.
Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baaritaan ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo in ay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka Al-Shabaab.