Muqdisho (Caasimada Online) โ Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay saldhiga Warta Nabadda oo maanta uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Macallin Mahdi ayaa sheegay in ciidamada hubeysan ee mucaaradka wateen ay isku dayeen inay xoog kusoo galaan saldhiga, oo uu sheegay inay ku xiran yihiin maxaabiis Shabaab ah iyo kuwa geystay dilal.
Taliyaha ayaa sheegay isku dhaca uu yimid kadib markii ciidamada mucaaradka oo watay hub culus, isla markaana aan soo wargelin taliska ay isku dayeen inay xoog uga gudbaan irida saldhiga, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu wax aan la qaadan karin ku tilmaamay wixii maanta dhacay, isagoo sheegay in aan marnaba laga aqbaleyn mucaaradka isku day ay ku khalkhal galinayaan amniga magaalada Muqdisho.
“Waxaan uga digaynaa (mucaaradka) ammaanka caasimada fowdo iyo qalqal gelin lagama ogolo. Amni ayay shacabkaan haystaan, oo kala dambeyn iyo amni ayay waqti dheer ku nagaadan ayay haysteen shacabka Muqdisho,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir.
Waxa uu intaas kusii daray “Saddex sano oo lasoo dhaafay wixii aan ka shaqeynayn inago u jeedna in dad gacmahood ku geliyaan kama yeelayno, qof laga yeelayo ma jiro.”
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka mucaaradka ay jabiyeen xeerkii xakameynta hubka ee magaalada Muqdisho, “In hub culus oo aan qaadaneyn aniga iyo guddoomiyaha gobolka uusan qaadaneyn waa sharci darro in iridaha saldhiga lala soo istaago, hadda kadibna lagama aqbali doono.”
Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa galabta tegay saldhigga Warta Nabadda, oo ay ka socotay soo bandhigista askartii jirdilka ka geystay xaafadda Siinaay, iyagoo isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga, waxaana halkaasi isku dhac kooban uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.
Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, iyadoo uu ka dashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Mucaaradka ayaa sheegay in laga dilay qaar kamid ah ilaaladooda, halka laga dhaawacay kuwa kale.
Hoos ka daawo muuqaalka