Daawo: Madaxda HirShabelle oo isugu tagtay Aadan-Yabaal war cusubna soo saaray

Aadan-yabaal (Caasimada Online) –Madaxweynaha HirShabeelle, ku xigeenkiisa, guddoomiyeyaasha Hiiraan, kan Sh/Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa isugu tegay degmada Aadan-yabaal oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Masuuliyiintaan ayaa safarro dhulka ah uga soo kala baxay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee HirShabeelle, waxayna maanta kormeereen xaafadaha degmadaan ay Al-Shabaab maamulayeen sanadaha badan.

Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyeyaasha labada gobol ee HirShabeelle ayaa warbaahinta la hadlay markii ay indhahooda ku soo arkeen dhamaan xaafadaha degmadaan qadiimiga ah ee Aadan-yabaal oo mudo dheer ku jirtay gacanta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa halkaas ka sheegay in guusha la gaaray ilaa hadda ay weli yartahay oo weli la joogo isku day, “Inta Hooyo Soomaaliyeed ay gablameyso oo gandhaheenu ay asaay qaadayaan, Allaan idinku dhaarshee ma guuleysanay?” ayuu yiri Cali Jeyte.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa dadka deegaanka iyo ciidankii xoreeyey Aadan-yabaal waxay kula dardaarmeen in halganka aysan ka caajisin oo guusha ay dhameystiraan.

“Dagaalkii laga soo bilaabay Feerfeer iyo kii laga soo bilaabay Balcad, ciidankii iyo raggii hoggaaminayey maanta waxay isugu yimaadeen degmada Aadan-yabaal, Allaah ayaa ku mahadsan, safarkii dhulka ahaa waxaan ku soo maray deegaanadii laga xoreeyey kooxda, mana arkin hal deegaan oo u qalma in dad ku noolaado, dhamaan dhulkii ay jooji jireen,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Labadii ceelbiyood ee degmadaan ayey matoorada ka qaateen Al-Shabaab markii ay ka baxayeen Aadan-yabaal, waxaana maanta dib loo kiciyey hal ceelbiyood oo Madaxweynaha HirShabeelle matoor cusub u keenay, sida ay noo sheegeen xubno degmadaas ku sugan.

Hoos ka daawo