Daawo: Mahad Salaad oo ka hadlay ka tegitaankiisa NISA, shaaciyeyna 10 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka ugu wareejiyay taliyaha lasoo magacaabay Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan mudo xileedkiisii NISA ee labada sano ahaa.

Mahad Salaad oo xilkan soo hayay tan iyo 26-kii May ee sanadkii 2022-kii, ayaa ku faanay inuu wax badan ka qabtay Hay’adda NISA, uuna ku guuleystay inuu sharci u sameeyo. hay’addan oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee dalka.

Isaga oo ka hadlayay waxa ay uga dhigan tahay xil wareejintiisa ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, wuxuuna tilmaamay inuu Sanabloolshe ku wareejinayo NISA oo dhammeystiran.

“Waxaan qirayaa in Sanbaloolshe uu iga nasiib badan yahay maadama aanan helin anigu xilwareejin, sharci iyo kooxo shaqo oo la yaqaano” ayuu yiri Taliye Mahad Salaad.

Sidoo kale waxa uu sii raaciyay “Kusoo dhawaaw Mudane Nisa sharci leh, isla markaana ka maran ku takarifal awoodeed iyo dano siyaasadeed”.

Intaas kadib Mahad Salaad ayaa soo bandhigay 10 qodob oo uu ku soo koobay wax-qabadkiisa, muddadii uu taliyaha ka ahaa Hay’adda Nabad-sugidda, kuwaas kala ah:-

Qodobkaad wuxuu ku sheegay 1-Inuu ku guuleystay inay shacri yeelato hay’adda NISA, 2-Inuu dib u habeyn ku sameeyay dhismaha hay’adda 3-xoojinta amniga iyo xogaha sirdoon ee dalka 4-Ballaarinta ciidamada NISA kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon 5-Kordhinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab 6-Sameynta xafiiska Garmaqalka dadweynaha 7- Joojinta lacagaha badda ee Al-Shabaab 8-Horumarinta Tiknolojiyadda 8-Dhismayaasha xarumaha hay’adda 9-Wada shaqeynta hay’adda iyo hay’ada kale ee dowladda 10- La macaamilka hay’adaha sirdoonada ee dariska iyo kuwa caalamka.

Isbeddelka lagu sameeyay hoggaanka sare ee hay’adda NISA ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah iyo mid kale oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Somaliand & Itoobiya.