Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu Mahad Salaad uga tegay xilka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta Mahad Salaad uu uga tagay xilkii Agaasimaha NISA, wuxuuna xaqiijiyey in Mahad rabitaankiisa ku baxay.

Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyey in Mahad Salaad uu radinayo xil kale oo kan ka sareeya, isagoo cadeeyey in kalsooni badan uu ku qabo, muddo dheerna uu saaxiib la ahaa.

“Mahad Salaad waa saaxiibkey taas xan maaha, dhowr iyo toban sano ayaan isla soo nooleyn, isla soo joognay, nimaan bartay ku kalsoonaaday, aqaanay ayuu ahaa, walina waa aqaan, waana ku kalsoonahay, halkaan kalsoonidaas ku yimid, maantana asigaa rabitaankiisa uga tagay” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xan iyo warar aan run aheyn ay magaalada ku jireen maalmahaan, balse wuxuu sheegay in Mahad Salaad u uku baxay rabitaankiisa, iyadoo laga jecelyahay NISA.

“Mahad howlo kale iyo adduunyo kale oo weyn ayaa u sii socdee, meeshaan meel laga neceb yahay oo laga dhaliilo ma aheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Cabdullahi Sanbaloolshe uu isna ku kalsoon yahay, “Sideedaba hey’adaani waa mid kalsooni ku dhisan, Cabdullaahi Sanbaloolshe waa sida Mahad oo kale waa nin saaxiibkey ah oo aan aqaano,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajo badan ka qaba in Sanbaloolshe uu sii hormari doono howlaha hey’adda NISA, “Cabdullahi Maxamed Cali waxaan ku rajo weynahay in wixii Mahad qabyo u ahaa uu sii dhameystiri doono,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo maanta xilka u kala wareejiyey Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad iyo Agaasimaha cusub Sanbaloolshe.

Hoos ka daawo